Home » WARARKA You are browsing entries filed in “WARARKA”

Suuqii X/weyne oo saakay xiran iyo howlgalo dad badna lagu qabqabtay oo ka socda degmadaasi

Suuqii X/weyne oo saakay xiran iyo howlgalo dad badna lagu qabqabtay oo ka socda degmadaasi

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa booliska iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay ka sameeyeen degmada Xweyne ee gobolka Banaadir howlgalo lagu soo qabqabtay dad badan, waxaana la arkayey saakay iyadoo waddooyinka waa weyn ee degmada X/weyne ay ciidamadu marsiinayaan dad indhaha ka xiran oo garbaha is heysta. gabaar ka mid ah  dadka deegaanka oo saakay [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Somaliland oo dib u celisay diyaarad fasax ka soo qaadatay dowladda Soomaaliya diidayna inay ku degto garoomadeeda

Somaliland oo dib u celisay diyaarad fasax ka soo qaadatay dowladda Soomaaliya diidayna inay ku degto garoomadeeda

Wararka aynu ka helayno magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in maamulka Somaliland uu dib u soo celiyey oo uu diiday inay ku degto garoomadooda diyaarad ogolaanshiyo iyo fasax ka soo qaadatay dowladda Soomaaliya, waxayna maamulayaasha Somaliland ay sheegeen in diyaarad aan iyaga fasax ka heysan aysan soo caga-dhigan karin garoomadooda, sidoo kalena aysan dulmari karin [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Dowladda Kenya oo shaaciday inay Al-shabaab kula dagaalameyso diyaaradaha aan cidina wadin, dalbatayna in…

Dowladda Kenya oo shaaciday inay Al-shabaab kula dagaalameyso diyaaradaha aan cidina wadin, dalbatayna in…

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay qorsheynayso inay isticmaasho diyaaradaha aan duuliyaha laheyn si ay uga hortagto  wax ay ugu yeertay weerarada Al-shabaab ku soo qaadeyso deegaano ka tirsan dalkeeda, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana warkaasi saxaafadda u sheegay madaxa ciidamada Kenya ee ilaalada xuduudaha Patrick Ocheing, kaas oo xusay [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxaya qaraxyo iyo dilal siyaabo kala duwan xalay uga dhacay magaalada Muqdisho

Faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxaya qaraxyo iyo dilal siyaabo kala duwan xalay uga dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa Shalay iyo Xalay magalada Muqdisho siyaabo kala duwan ugu kala dhacay qaraxyo iyo dilal kala duwan, kuwaas oo loo geystay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo weliba dad lagu sheegay shacab, waxaana ugu yaraan ku dhintay labo ka mid ah askarta dowladda Soomaaliya tiro kale oo aan la ogeyna inta ay la egtahayna [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Maamulka Jubbaland oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Jowhar

Maamulka Jubbaland oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Jowhar

Maamulka Jubbaland garabka uu hogasmiyo Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaaladii ka dhacay labadii maalmood ee tagtay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe una dhaxeeyay labo beelood oo halkaasi wada dega ayaa ku eedeeyay inay dagaalkaasi ka dambeysay dowladda Soomaaliya. Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Mid ka mid ah Xildhibaanadii hore ee eedayn u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya, sheegayna…

Mid ka mid ah Xildhibaanadii hore ee eedayn u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya, sheegayna…

Qaar ka mid ah xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon inay ka gaabisay wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena ay xil iska saari-weysay inay wax ka qabato dhibaatada ay ciidamada dowladdu ku hayaan dadka shacabka ah ee nool [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Xukuumadda Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay shir heer qaran ah oo dib loogu habeynayo waxbarashada dalka

Xukuumadda Soomaaliya  oo Muqdisho ka furtay shir heer qaran ah oo dib loogu habeynayo waxbarashada dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay  ka furtay magaalada Muqdisho shir heer Qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana qabanqaabadiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, hay’adaha UNESCO iyo UNICEF. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay xeel-dheerayaal dhinaca waxbarashada ah oo ka kala yimid dalka [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Kulan looga hadlayey xal u helidda gobolada Jubbooyinka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho….

Kulan looga hadlayey xal u helidda gobolada Jubbooyinka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho….

Kulan balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaasna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya, Odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, loogana hadlayey arrimaha Jubbooyinka ayaa shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ka shaqeynd oonaan sidii [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Al-shabaab oo soo bandhigtay askar ka goosatay dowladda Soomaaliya oo ku biirtay

Al-shabaab oo soo bandhigtay askar ka goosatay dowladda Soomaaliya oo ku biirtay

 Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay in askar ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ay isku soo dhiibeen, warkan ayey alshabaab ku faafiyeen baraha ay Internet-ka ku leeyihiin, waxayna soo bandhigeen sawirada rag labisan dharka ciidamada kuwaas oo ay sheegeen  iney ka tirsanaayeen ciidanka dowladda, Sawirrada ayaa waxaa ka muuqanaya  2 Nin oo ku labisan dirayska lagu yaqaano [...]

June 19 2013 | Posted in WARARKA | Read More »

Ku xigeenkii Axmed Madoobe oo lagu dhaawacay saacado ka hor gudaha Kismaayo iyo xiisad ka taagan halkaasi oo…

Ku xigeenkii Axmed Madoobe oo lagu dhaawacay saacado ka hor gudaha Kismaayo iyo xiisad ka taagan halkaasi oo…

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Gudoomiye kuxigeenkii Maamulka KMG ee Kismaayo barqanimadii maanta la dhaawacay, iyadoo xiisad ka dhalatay weerarkaas magaalada ka taagan tahay, Sida ay sheegayaan wararka Yaasiin Nuur Gaas oo loo yaqaano Yaasiin Raadeer ayaa la sheegay in kooxo hubeysan ay weerareen, iyadoo dhaawiciisa yahay mid aad u culus oo [...]

June 18 2013 | Posted in WARARKA | Read More »