Niyad Jabka Xulka Ingiriiska Iyo Farxada Xulka Al-geria.
aarannews(London)Waxaa xalay ka dhacay dalka South Africa ciyaar aad u kulul oo dhex martay xulka dalka Ingriiska iyo Xulka dalka Algeria taas oo qayb ka ah Ciyaaraha koobka Aduunka ee 2010 isla markaana ka socda dalka South Africa.
Ciyaarta xalay ayaa marka la fiiriyo waxaa laga bixinayay sadaal kala duwan iyada oo inta badan xulka Qaranka dalka Ingiriiska loo sadaalinayay in ay si fudud oo xarago leh ugu tuman doono Xulka Qaranka dalka Algeria hasa yeeshee riyadaas way adkaatay in ay rumowdo.
Ciyaarta dhex martay 2 xul ee Ingiriiska iyo Algeria ayaa aheyd wareegii 2-aad is arag Group ay kawada tirsanyihiin waxaana u suurto gali laheyd Xulka Qaran ingiriiska hadii uu ka badan lahaa Algeria in uu rajo fiican ka yeesho in uu soo baxo wareega labaad ee is araga kooxaha ka qayb galaya Ciyaaraha aduunka.
Taageeryaal badan oo careysan oo Ingiriis ah ayaa xalay lagu arkayay bartamaha magaalada Cep town ee Dalka South Africa, waxaa sida la sheegay sabab u ah guuldarada ku timid Xulka Qaranka Ingiriiska isfaham la’aan iyo kalsooni daro Ka dhex dhalatay ciyaartooyda Qaranka Ingiriiska.
Dadka qaar ayaa dhaliilo kulul u jeediyay Macalinka layliya Xulka Qaran Ingiriiska Fabio Capello iyaga oo ku edeynaya in ciyaartooyda Xulka Ingiriiska uusan si sax ah boosaskoodii ugu ciyaarsiinin taas oo ay sheegeen in dhameystir buuxa yeelanweyso kubada Xulka Qaranka Ingrisiiska.
Rajada xulka Qaranka Ingiriiska ka leeyahay Ciyaaraha Koobka Aduunka ayaa hada waxaa ay ku xirantahay in uu ka badiyo Xulka Qaranka Slovenia oo hada leh 4 dhibcood
Way adagtahay in Xulka Ingiriiska u soo baxo wareega 2-aad ee is araga ciyaaraha koobka aduunka hadii uu barbar dhac la galo Xulka Qaranka Slovenia isla markaana Xulalka Mareykanka iyo Algeria midkood uu badiyo.
Ingiriiska ayaa hada leh 2 dhibkood oo qura sidaa darteed waxaa laga doonayaa in uu ka badiyo xulka Qaranka Slovenia hadii taas ay dhici wayso waxaan shaki ku jirin in xulka Ingiriiska uu dib ugu soo laban doono Dalkooda.
Xulka Qaranka Algeria ayaa xalay u aheyd farxad aad u weyn madaama ay taako u dhigeen Xulka Qaran Ingiriiska oo leh Ciyaartooy Heer Caalami ah Waxaana xalay laga dareemayay farxad iyo dabaaldag magaalooyinka iyo Caasimada dalka Algeria Ee Alger’s
