Fabio capella Oo Sii Ahaanaya Tababaraha Xulka Qaranka England.
aarannews(London)Macalin xulka Qaran England FABIO CAPELLA ayaa la xaqiijiyay in baaqi ku sii ahaadaan doono jagada macalinimo ee u hayo xulka qaranka England.
Gudiga Xiriirka kubada cagta England ayaa xaqiijiyay in FABIO CAPELLA uu sii hayn doono xilka Macalinimo ee xulka Qaranka dalka England.
FAIBO CAPELLA waxaa uu macalin u ahaa xulka Qaranka England isagoo tabare ka ahaa ciyaarihii uu xulka Qaranka England kaga qayb qatay ciyaaraha aduunka , waxaana halkaas ka soo raacay xulka Qaranka England niyad jab aad u weyn iyagoo ay ku adkaatay in ay si nadiif ah ugu soo baxaan wareega 2-aad ee ciyaaraha aduunka ee ka socda Dalka South Africa 2010 ayaa waxaa six un dhulka ugu jiiday xulka Qaranka Germany oo 4-1 kugaraacay xulka Qaranka England.
Gudiga xiriika kubada cagta England ee (England Football Association) ayaa Fabio Capella u sheegay in uu sugo waqti 2 isbuuc ah si go’aan looga gaaro mustaqbalka inuu sii joogi karo jagada macalinimo ee xulka Qaranka England.
Dad badan oo ka mid ah taageeraha xulka Qaranka England ayaa si weyn u dhaliilsan Fabio Capella waxaana ay sheegeen in mushaarka uu qaato uusan u qalmin macalin CAPELLO
FABIO CAPELLA ayaa waxaa uu dhamaanayaa heshiiska uu lagalay Xiriika kubada cagta England 2012 waxaana la sheegay in uu qaato Sanadkii mushaar garaya £6 M
64 jirkaan Talyaniga ah waxaa uu si weyn uga xumaday guldaradii u soo hoyatay xulka Qaranka England ,waxaana uu sheegay in uu awoodo in uu sii hayo jagda macalin ee xulka Qaranka England hadii xiriika ku badan cagta England aysan go’san inuu jagada baneeyo
