Ads
 
|

152 Qof Oo Ubadan Pakistaniyiin Oo Ku Dhintay Diyaarad Ay Saarnaayeen Oo Ku Burburtay Gudaha Dalka Pakistan.

Aarannews (London) Wararka ka imanaya gudaha dalka Pakistan ayaa sheegaya in  diyaarad ay sarnaayeen 152 oo rakaab ah ay ku burburtay gudaha dalka Pakistan .

diyaaradaan ayaa ka mitimid magaalada Krachi iyada oo ku sii jeeday Caasimada dalka Pakistan ee Islamabad

TV laga leeyahay dalka Pakistan ayaa soo dhigay sawiro muujinaya qaabkii ay diyaaradu u dhacday waxaana la sheegay in diyaarada ay lumiysay xiriirkii ay la leedahay barta laga hago diyaaradaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha  ee dalka Pakistan waxaana markii danbe la arkayay diyaarada oo meel geedo dhexdood ah sii daa dageysa kadibna dhulka ku dhacday .

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Pakistan  Rehman Malik ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cid ka bad baaday diyaarada burburtay waxaana goobta diyaarada ku dhacday gaaray kooxaha gargaarka deg deg ah iyaga oo soo tabiyay in dhamaan dadkii sarnaa diyaarada aysan jirin wax ka bad baaday.

dadka saarnaa diyaarada burburtay ayaa la sheegay in ay  ahaayeen dad pakistaniyiin ah marka laga reebo laba qof oo u dhashay dalka mareykan.

Diyaaradu way guud ahaan way bur burtay waxaa la arkayay qaybo badan oo ka mid ah qofkii diyaarada oo meel fog fog kala yaal ma jirin cid ka bad baaday sidaas waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalka Pakistan oo la hadlayay saxaafada

wararka ayaa sheegay in diyaarada  uu nuuceedu ahaa Airbus A321 oo ay saarnayeen 146 oo rakaab ah iyo lix shaqaale ah

www.aarannews.com

Leave a Reply