Ads
 
|

Madaxweynaha Dalka Liibiya Col. MUCAMAR AL-QADAAFI Oo Sheegay In Ay wili Taagantahay Riyadiisii Aheyd UNITED STATES OF AFRICA

                                                                                     Aarannews (London)  Madaxweynaha Dalka Liibiya Mucamar Al-qadaafi ayaa sheegay in ay weli sidii u tagantahay Riyadii aheyd in uu arko UNITED STATES OF AFRICA .

Madaxweyne Qadaafi ayaa hadalkaan ka sheegay shir ay is ugu yimaadeen magaalada Kampla ee dalka Uganda Madaxda dalalka Qaarada Africa

Waxaa wili ii cad in ay tagantahay rajadii aan ka qabay in ay rumowdo riyaadii aheyd UNITED SATES OF AFRICA waxaana arintaas aan ka dhaa dhiciyay madaxweynayaal badan oo ka mid ah madaxda qaarada africa ayuu yiri madaxweyne Qadaafi.

Waxaan hada ku joognaa dariiqii ay ku suurto gali laheyd in dalalka africanka ah la mideeyo oo la isugu keeno hal qorshe, waxaan sacad kasta u taaganahay inaan xalino dhibaada ka jirta qaarada africa waxaana aan ka shaqeynaa in africa ay cagta saarto wadadii hormarka arintaasna badkeed way inoo suurto gashay ayuu hadalkiisa sii raacsiiyay Mr. Qadaafi.

hasa ahaatee waxaa dadka wax ka qora Qaarada Afica sheegayaan in arinta uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Qadaafi ay tahay mid adag in ay suurto gasho waxaana taas sabab looga dhigay aragtida siyaasadeed ee ka jirta dalal badan oo African ah in ay tahay mid adag iyo colaado sameyn ku yeeshay dalal badan oo ka tirsan Qaarada Africa

 www.aarannews.com

1 Response for “Madaxweynaha Dalka Liibiya Col. MUCAMAR AL-QADAAFI Oo Sheegay In Ay wili Taagantahay Riyadiisii Aheyd UNITED STATES OF AFRICA”

  1. Riyada u ku jiro ama eey tahay Qadaafi waa mid aad u fican oo Africa oo dhan eey ka baxeeyso baahida laakin afrika waa dad aan dantooda ogeeyn laakiin figrada uu u soo jeediyaya Qadaafii waxeey kaga baxaayaan bahi iyo daagaalo sababtoo ah dagalka waxaa keena baahida marka afrikaka kaca oo la gala riyada Qadaafi uu ku jiro waa riyo aad u fiican wabillahi toowfiiq

Leave a Reply