Dowladda Jabuuti oo sheegtay inaysan ciidamo u direynin dalka Soomaaliya
Aarannews(Jabuuti) Dowladda Jabuuti ayaa beenisay wararka sheegaya in ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, waxayna shaaca ka qaadday inay Soomaaliya ay u dirayso khubarro ciidan oo kaliya balse ay ciidamo u direynin.
Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in Jabuuti ay u direyso Soomaaliya khubarro ciidan oo dowladda Soomaaliya ka caawiya dhinacyada tababarka askarteeda, balse aysan direynin ciidamo gaaraya hal Batalyan oo la sheegay inay Jabuuti u dirayso Soomaaliya.
Safiirka ayaa wuxuu iska fogeeyay wararka sheegaya in Jabuuti ay Soomaaliya u direyso ciidamo gaaraya 1500 askari, wuxuuna sheegay in tirada ciidamo ee ka socda Jabuuti aysan intaas dhammeyn, isagoo xusay in ay noqon doonaan tiro yar oo ku koobnaan doonta sida uu yiri gacan siinta ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca farsamada oo kaliya.
Waxa ii Mr. Dayib sheegay in dowladda Jabuuti ay taageerayso ciidamo ka socda dalalka Midowga Afrika oo loo soo diro dalka Soomaaliya, si ay gacan u siiyaan dowladda KMG Soomaaliya, balse aysan iyadu ciidamo geyneynin Soomaaliya, sida uu yiri.
Safiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in khubarada ciidan ee ay u dirayaan Soomaaliya diristooda xitaa ay ku xirnaan doonto xilliga ay dowladda KMG Soomaaliya weydiisato, balse si kale aysan ku direynin.
W/D: Caaqil Dalmar