Xarakada Al-Shabaab oo iska fogeysay ku lug lahaanshaha dagaalkii ka dhacay Puntland
Aarannews(Muqdisho) Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaannada Puntland ee dhex maray ciidamada maamulka Puntland iyo kooxo hubeysan oo uu watay ninka lagu magacaabo Sheekh Maxamed Saciid Attam, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi uu u dhexeeyay dadka degaanka iyo ciidamada Puntland.
Waxa uu Sheekh Cali beeniyay in ciidamadii la dagaalamay maamulka Puntland ay ahaayeen Al-shabaab, isagoo sheegay in dagaalkaasi ay qaadeen sida uu sheegay dadka deegaanka oo uu xusay inay ka dhiidhiyeen xadgudbyo ay si joogto ah ugu hayeen ciidamada maamulka Puntland, wuxuuna shaaca ka rogay in ciidamada Sheekh Maxamed Saciid Attam aysan ka tirsanayn sida uu yiri Xarakada Al-shabaab.
“Dadka dagaalamay waa kuwo la dulmiyay oo deegaanka ah iyo ciidamada maamulkii dulmiyey ee Puntland, saxbna ma aha in dadkaasi ku dagaalamayeen magaca xarakada Al-shabaab” ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo ku eedeeyay maamulka Puntland inuu dhibaatooyin ku hayo Shacabka reer Puntland.
Dhanka kale waxa uu afhayeenka xarakada Al-shabaab ka hadlay shirkii dhawaan ugu soo gabagaboobay magaalada Kampala ee dalka Yugaandha madaxda Afrikaanka ah, kaas oo ay uga xaajoonayeen arrimo ay ka mid tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shirkii Kampala uu fashil ku dhammaaday sida uu yiri, isla markaana ciidamada ay sheegeen inay ku soo kordhinayaan kuwa hadda jooga ay mari doonaan halka ay kuwii hore mareen, ayna ku soo dhaweynayaan dagaalo ay ku baabi’iyaan.
Waxa uu afhayeenku xusay in dowladda KMG Soomaaliya ay waji gabax kala kulantay waxyaabihii ay ka dooneysay in shirkaasi ay ka soo baxaan taasoo ahayd taageero xoog leh oo ay u fidiyaan madaxda Midowga Afrika ee kulanka ku yeelatay magaalada Kampala ee dalka Yugandha, isagoo intaasi ku daray in ciidamada cusub ee la keenayo Soomaaliya aysan waxba uga duwaneyn kuwii horey u joogay magaalada Muqdisho.
Waxa uu afhayeenku sheegay in Midowga Afrika ay afka oo kaliya ka sheegayaan in ciidamo fara badan ay keenayaan Soomaaliya, hase ahaatee aysan ka dhabeyn karin maadaama sida uu tilmaamay Siddeedii Kun ee ay u ballanqaadeen Soomaaliya aan weli la soo dhameystirin.
W/D: Caaqil Dalmar