Dawooyin maanta lagu gubay magaalada Gaalkacayo
Aarannews(Gaalkacyo) Waaxda fayadhowrka dowladda hoose ee maamulka Puntland ayaa maanta fagaare ku yaala duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacayo waxa ay ku gubeen dawooyin dhacay.
Dawooyinkaas dhacay oo laga soo aruuriyey Farmashiyaasha magaalada Gaalkacayo dhankeeda Waqooyi iyadoo laga iibinayay dadka bukaannada ah ayaa waxaa goobtii lagu gubayay ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo dadweyne fara badan.
Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada maamulka Puntland ee magaalada gaalkacayo Maxamed C/llaahi Faarax oo ka hadlay goobtii lagu gubayay dawooyinkaas dhacay ayaa sheegay in dawooyinka la gubay maanta ay ahaayeen kuwo waqtigoodu dhacay isla markaana ay soo aruuriyeen waaxda Fauyadhowrka dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacayo oo howlgallo baaritaan ah muddooyinkan dambe ku heyso dawooyinka lagu isticmaalo magaalada Gaalkacayo dhanka ay maamusho Puntland, wuxuuna sheegay in soo aruurinta dawooyinka dhacay iyo kuwa aan tayada lahayn loo saaray guddi gaar ah.
Waxa uu uga digay dadka ka ganacsada dawooyinka inay dadka ka iibiyaan dawooyin dhacay iyo kuwo aan wax nuxur iyo tayo ah lahayn, isagoo sheegay in ganacsatada lagu arko iyagoo ka ganacsanaya dawooyin dhacay tallaabo adag laga qaadi doono.
Dadweynaha ayuu ugu baaqay inay soo sheegaan haddii ay arkaan farmashiyaal dawooyin dhacay lagu iibinayo, iyadoo tallaabadan ay tahay markii ugu horreysay oo maamulka Puntland ay ku dhaqaaqaan, waxaana soo dhaweeyay dadweynaha magaalada Gaalkacayo.
W/D: Caaqil Dalmar