Ads
 
|

Diyaaraddii ku dhacday dalka Pakistaan oo la sheegay inay dad Soomaali ah ku jireen

Aarannews(Islamabad) Shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay dalka Pakistaan oo ay ku geeriyoodeen  dhammaan dadkii saarnaa diyaaraddaasi oo gaarayay 152-ruux oo isugu jiray shaqaale iyo dad rakaab ayay wararku sheegayaan in dadkaasi ay ku jireen Soomaali.

Diyaaraddan oo lagu magacaabo Airblue isla markaana uu nooceedu ahaa Airbus A.321 ay lahayd shirkadda diyaaradaha dalka Pakistaan ayaa dadka ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa nin u dhashay dalka Soomaaliya oo ahaa ganacsade laguna magacaabi jiray Bashiir Barre Samatar oo ka tirsanaa Shirkad ka howlgasha degaannada Puntland, halka talefishinka Jaziira uu sheegay in loo maleynayo in shilkaasi ay ku dhinteen labo ruux oo Soomaali ah.

Dadka ku dhintay shilka ayaa waxaa sidoo kale ku jiray muwaadiniin u kala dhashay waddamada Maraykanka iyo Pakistan iyo dad aan weli dhalashadooda si rasmi ah loo sheegin.

Diyaaradda ayaa ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Karachi, waxayna ku sii jeedday magaalada Islamabad, iyadoo burburtay wax yar kahor intii aysan caga dhigan garoonka diyaaradaha ee magaalada Islamabad, waxayna ku dhacday meel duleedka ka ah magaalada Islamabad ee xarunta dalka Pakistan.

                               W/D:  Caaqil  Dalmar

                     caaqildalmar@aarannews.com

Leave a Reply