Markab afduubnaa oo maanta la sii daayay
Aarannews(Muqdisho) Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta la sii daayay kadib markii shirkaddii lahayd Markabka iyo kooxihii Soomaalida ee afduubka ku heystay wadahadal uu dhex maray.
Markabkaa oo ay saarnaayeen shaqaale kor u dhaafaya 20 badmaax ayaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxa ay qabsadeen 23-kii bishii Maarso ee sanadkaan xili uu ka soo anbabaxay Israel isagoo ku sii jeeday dalka Taiwan.
Saraakiisha ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Biyaha gacanka Cadan ayaa xaqiijiyey sii deynta Markabka iyagoo sheegay inuu ka soo baxay gacantii kooxaha burcad Badeeda, uuna bilaabay safarkiisii caadiga ahaa ee laga hakiyay markii ay gacanta ku dhigayeen Burcad badeeda.
Mid ka mid ah milkiilayaasha Markabkaa ayaa u sheegay warbaahinta in markabkaa la sii daayay kadib markii wadahadal lala galay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee gacanta ku hayay mana la sheegin in la bixiyay lacag madax furasho ah iyo in kale.
Shaqaalaha saarnaa Markabkaa oo u badnaa dalka Filipiin ayaa waxaa la sheegay inay bad qabeen markii la sii daayay, wuxuuna Markabku ka shiraacday halkii lagu heystay.
W/D: Caaqil Dalmar