Ads
 
|

Dad lagu qabqabtay magaalada Muqdisho oo xabsi loo taxaabay

Aarannews(Muqdisho)  Howlgal ay maanta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ka sameeyeen ciidamada maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee degmadaas ayay ku qabqabteen tiro dad ah oo ay u dhaadhiciyeen xabsi.

Sida warku sheegayo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay howlgal dad ay ku qabqabteen ka sameeyay degmada Wadajir ayaa la sheegay inay tiro dhalinyaro ah ku soo qabqabteen, kuwaasoo qaarkood laga soo qabqabtay guryahooda.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Wadajir Xuseen Bootaan ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada maamulka degmada Wadajir ay sameeyeen howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayay sida uu yiri amaanka degmada Wadajir, isagoo xusay in dadka la qabqabtay baaritaan lagu sameynayo, kuwa aan la tuhunsanayn inay dambi leeyihiina la sii deynayo sida uu yiri.

Maalmihii la soo dhaafay degmada Wadajir ayaa waxaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya loogu geystay qaraxyo is xigxigay oo waxyeello ay ka soo gaartay ciidamada la weeraray iyadoo sidoo kale degmooyinka Waaberi, X/jajab, X/weyne iyo Dharkenley qaraxyo  loogu geysanayay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

                                  W/D:  Caaqil  Dalmar

                         caaqildalmar@aarannews.com

Leave a Reply