Magaalada Hargeysa oo ay Mudaharaad ka dhigeen dad watay calanka Soomaaliya
Aarannews(Hargeysa) Mudaaharaad looga soo horjeedo ku dhawaaqista xukuumadda cusub ee maamulka Somaliland kaga dhawaaqay shalay Madaxweynaha cusub ee maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa.
Mudaaharaadkaas oo laga soo abaabulay xaafadda Sheekh Muuse Ducaale oo ka tirsan degmada Axmed Dhagax ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray dhalinyarro, haween iyo carruur, kuwaasoo mudaaharaadka kaga cabanayay xukuumadda cusub ee madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen in laga qadiyay dadka u dhashay degmada Saylac.
Mudaaharadayaasha oo aad u careysnaa ayaa gubayay shaagag, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah xukuumadda cusub ee Somaliland, waxayna lulalayeen calanka buluuga ah ee Soomaaliya.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa dadkaasi isu soo baxay kala eryay, waxaana la sheegay inay ku qabteen dhalinyaro afar ah oo la sheegay in xabsiga loo taxaabay.
Isu soo baxayaasha ayaa watay calanka Soomaaliya, waxayna sheegeen in iyagu aysan waxba ku lahayn Somaliland, sidaa darteed ay ka soo horjeedaan xukuumadda cusub ee Siilaanyo.
Mudaaharaadkan lagaga soo horjeedo xukuumada cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee laga dhigo Hargeysa tan iyo markii la magacaabay Siilaanyo.
W/D: Caaqil Dalmar
asc woooooooow waxaaba qiiro igu dishey calankena buluga ah oo waqooyi kababanaya woooooooooow viva calanka buluga ah ilahay cirka ha kuqada calanka buluga ahow