|

SOO DHOWEYN DIIRRAN YAA RAMADAAN

Maalmaha iyo bilooyinku way soo laablaabtaan waxaana inoo soo martiyey oo na soo qaabilay bishii kheyrka badneyd ee Ramadaanka, waa hubaal inuu yahay marti culus oo aad u qiimo badan, waa munaasabad cibaadeed oo aad u weyn oo uu Eebbe {SW} ku dhaafo dembiyada addoomada ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaalmarka iyo xasanaadka qofkii isaga muteysta maamuuskaasi.

Walaalayaal waa lagama maarmaan inaynu ogaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe {SW} waafajiyo inuu gaaro bisha Ramadaan, sidaas darteed waxaa haboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na gaarsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaanka, imisaa dad oo naga mid ahaa ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha Ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba haleelay bisha Ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan, Allaahu akbar, waa nasiibdarro labadaasii tilmaamoodba, labadoodaba waxaynu kaa magan galeynaa Eebbe {SW}.

Walaalayaal, aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska laheyd ee uu noolaa Xabiibka Rasuulka {Scw}, bal si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka {Scw} iyo asxaabtuba ugu soo dhaweyn jireen bisha Ramadaan, ugu horeyntiiba, wuxuu Rasuulka {Scw} ugu bishaareyn jiray muslimiinta bilashada bisha Ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badnaa ee asxaabta waxay dhammaan bishaasi barakeysan ku cammiri jireen cibaado farabadan oo kala duwan.

Dedaalkii Rasuulka {SCW} ee Ramadaanka:-

Caa’isha Ilaahay ha ka raali noqdee iyadoo noo iftiiminaysa sidii uu Nabiga {SCW} ugu dedaali jiray salaatu-leylka waxay tiri “Ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka {SCW} ka tagi jirin, haddii uu xanuunsanyahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray”, Salaadahaasi iyo dedaalkaasi wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka {SCW} marka la gaaro Ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaasi, Cumar Binu Khadaab {RC} marka la gaaro habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay khushuuc ku dheehan tahay u dheereen jiray salaadaha habeenka.

Habeenka saqda dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku oran jiray Salaadda Salaadda, wuxuuna ku dul aqrin jiray aayadda uu Alle {SW} ku leeyahay “Waxaad qoyskaaga farta salaada iyo Zakada, “Suuradda Daha aayadda 132-aad, xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka {SCW}) yiri xaddiis macnihiisu ahaa “Waxaa idiin yimid bishii Ramadaan, wuxuu Eebbe {SW} idinku waajibiyey inaad soontaan, bishaasi waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeenood, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”, haddaba bisha sidaasi u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan laheyn kheyraatkeeda oo aan gadaal dambe aanan uga qoomameyn.

Soonka waa la aqbalaa ducada:-

Walaalayaal waxaa nalaga doonayaa ineynu bishaan kheyrka badan aan kula qaabilno towbad badan, Qur’aan aqris badan, salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaateysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe {SW} ka raalliga yahay.

Bisha Ramadaan waa bishii naxariista, waa bishii dembi dhaafka badneyd, waa bishii xoreynta naarta, lama koobi karo fadliga bisha Ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suuban ay baryayaan Rabbi {SW}, wuxuu Eebbe {SW} yiri isagoo ka hadlaya arrintan “Hadduu addoonkeyga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo” aayadda 186-aad suuradda Al-Baqara, dhinaca kale xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka {Scw} wuxuu Rasuulka {Scw} ayuu yiri “Seddex ducadooda lama celiyo”, waxayna seddexdaasi kala yihiin qofka sooman jeer uu ka afuro, Madaxweynaha caadilka ah iyo qofka la dulmiyey habaarkiisa”.

Deeqsinimada iyo soonka:-

Walaalayaal sidoo kale bisha Ramadaan waa bil ku caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka, C/laahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “Rasuulka {Scw} wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha Ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil {CS}, habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraaseyn jiray Qur’aanka”, sidaas darteed wuxuu Imaamu Shaafici yiri “Waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka {Scw}, dhinaca kale wuxuu Rasuulka {Scw} Qur’aanka la daraasayn jiray oo la aqrin jiray Jibriil bisha Ramadaan, waxay dhammeyn jireen Qur’aanka bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sanadkii ugu dambeeyay ee uu soomay Rasuulka {Scw} waxay Qur’aanka khatimeen labo jeer.

Dadka uu Alle ku galladeystay hantida waxaa la gudboon inay ku dedaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha Ramadaan, ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha Ramadaan, wuxuu Rasuulka {Scw} noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkiisa kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa, waa fadli aad u weyn.

Bisha Ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe {SW} noogu sheegay suuradda Al-qadr, inkastoo aan habeenkaasi la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dedaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha Ramadaanka uu ka koobanyahay, si ay uga faa’iideystaan fadliga Ramadaanka.

Iridka dadka sooman ay ka galayaan

Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada, kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh “waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayeey dadkii soomanaa ka soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la oranayaa aaway dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo”. Allaha ka raalli noqdee saxaabiga la yiraahdo Abii Umaama ayaa weydiiyay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri “Rasuulkii Allow waxaad i fartaa arrin uu Alle igu anfacayo”, markaasuu Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay “waxaad ku dadaashaa soonka, ma jiraan wax la mid ah” Soonka iyo guulihii muslimiinta Lama koobi karo munaasabadada qiimaha leh ee Ramadaan. Bisha Ramadaan waa bilihii ay muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee islaamka. Dagaalkii ugu weynaa ee ay muslimiinta ku guulaysteen wuxuu ahaa dagaalkii weynaa ee Badr, haddana dagaalkaasi wuxuu dhacay bil ramadaan 17-keedii sannadkii labaad ee hijriga. Waa dagaalkii ay qayb libaax leh ay ka qaateen malaa’igtii sharafta badnaa ee uu hoggaaminayay Jibriil (cs). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya dagaalkaas “dhab ahaantii wuxuu Eebbe (sw) idiin gargaaray Badar idinkoo dulleysan..” aayadda 123 suuradda Al-Cimraan. Dagaalkaas Badar markii laga soo wareegay qiyaastii 4 sanno iyo xoogaa waxay misna muslimiinta soo hoyeen guushii ay ku furteen magaallada Makka. Waa furashadii magaallada Maka oo ku beegnayd labaatankii ramadaan ee sannadkii lixaad ee hijriga, halkaasna wuxuu Rasuulka (scw) ku aasay oo ku burburiyay asnaamtii boqolaalka gaarayay ee ku xoonsanaa hareeraha Kacbada. Inkastoo labadaasi guulood ay ku beegmeen bil ramadaan dhexdeeda, haddana waxaa jiray guulo kale oo ay muslimiinta soo hoyeen isla bisha ramadaan, waxaana ka mid ahaa Furashadii Andalus sannadkii 92-kii hijriga, Furashadii Cammuuriya sannadkii 223 hijriga, dagaalkii Zalaaqa ee hore sannadkii 479-kii ee hijriga, dagaalkii Xaarim sannadkii 559 hijriga iyo dagaalkii Cayn-Jaaluut sannadkii 658 hijriga. Ugu danbeyntii, walaal haddaad macaasi iyo denbi badneyd uga faa’iideyso bishan denbi dhaaf dalbid iyo salaado badan. Waxay ayaan darro haysataa ruuxii laga xaaraantimeeyay kheyraadka iyo fadliga soonka. Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fadliga ramadaanka iyo inuu naga dhigo kuwa loogu naxariisto ramadaan, naartana looga xoreeyo, aamiin.

                                                            Aarannews.com

Leave a Reply