|

TALO I SIIYA: Gabar aan jeclahay ayaa Ii muujisay Jacayl markii aan u muujiyey jacayl waa iga goysay hadaladii jacayl ee maxaan sameeyaa….?

Aarannews (London) Waxaa layiraahdaa magacayga Yaxye Cali Aadan  waxaan marka hore salaamayaa shaqaalaha iyo daadihiyeyaasha shabakadda Aaran News, waxaana uga hambalyeynayaan bogga TALO CELINTA AH ee ay inoo sameeyeen, kaasoo aanu si aad ah u soo dhaweyneyno, waxaana aaminsanahay in dad badan ay ku faraxsan tihiin iyaguna ay si aad ah u soo dhaweynayaan sideyda oo kale, waayo Talo lagama maarmo, Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Talo adigaa ku nool mooyaane iyada kuguma noola” sidaasoo ay tahay ayaa haddana waxaa la yiri “Maan kaa maqan maskax walaalkaa ayay ku jirtaa”.

Intaas  kadib waxaan rabilahaa in Shabakada Aaran News igala taliso Qisadaan I haysata: waxaan doonaya inaan idiin sheego qiso igu dhacday waxaan is baranay gabadh waxaan wada haasaawaynay mudo waxay ii sheegtay intii hore oo dhan inaanay ijeclayn laakiinse jacaylku uu yahay marxalad lagaaro aanay ku rajo wayntahay in maruun aanu is jeclaan doono waxaanu mudo wada sheekaysanaba markii danbe waxay ii sheegtay inay sidhaba ii jeceshahay anna waan ka dareemay inay gabadhi dhab ii jeceshahay waan aaminay iyana way i aamintay waxaanan soo bandhigay kalsoonidaydii oo dhan markii aan daacad noqday una beer jileecay ayna ogaatay inaan iyada mooyee indho kale lahayn waxay iila dhaqantay si banii aadamnmada ka baxsan waxay iga jaratay hadalladii macaanaa oo idil sidoo kale waxay iga goosatay massage yadii ka turjumayay dareenka nafteeda markaan waydiiyo maxaa sidan u yeelaysaa waxa oranaysaa maanaa waxbaba og……. waxaan waydiiyay hadii ay qofkale jeclaatay inay iska raacdo oo ifasaxdo aan qalbigayga kaa masaxee waxaanay ii gu dhaaratay inaanay qof aniga iga danbeeya baran markaa sxb yaal maxaad ku talin lahaydeen.

TALO CELIN: AARAN NEWS

Bismillaahi Raxmaani Raxiim:- Guurku waa lagama maarmaan mar haddii la qaangaaro, dhaqaale ahaanna la awoodi karo, inkastoo Jacayl iyo kasbasho uu jiro haddana wax waliba calafka ayaa ka weyn oo Lamaanayaasha uu guurku dhex marayo Calafka ayaa isu geeya, haddii aysan Calaf isku lahaynna maba is helayaan wax kasta oo ay sameeyeen iyo sanado kasta oo ay Jacayl soo jilaanba.

Walaal Yaxye waxaad marka hore qalbigaaga galisaa in aad aaminto gabadha ku dhaaratay in ay ku  jeceshay.Waana in aadan  meel cidla ah ka cararin, cidlana ka eedeeynin jacaylkaaga.Waxaana kugula talin lahayn hadii alle kuu qadaro  calafna aad isku leedihiin in aad mar uun wada aqal galidoontiin.Waxaa kale oo lagaa doonayaa in aad alle ka baqdo oo aad ku dhiirato in aad is guursataan gabadhan aad jeceshahay ayaduna kuugu dhaaratay in ay ku jeceshahay maadaama aad jacayl  mudo isla soo jisheen. Waxaana jilida jacaylku uu xoogaystaa marka la is xalaalaysto oo la is guursado.

Walaal Yaxye waxaa lagayaabaa in gabadhu ay doonayso in aad is guursataan adna aad ku daahisay oo waqtiga aad ku dheereeysay.Marka waxaan kugula talin lahayn in guurka aad u deg degtid.Soomaaliduna waxa ay tiraahdaa “GEESO LO’ AAD KULAYLKA AYAA LAGU GOOYAA” .Sidaas darteed inta la is jecelyahay quluubtiinuna isku soo jeedo ku dadaala in aad si guursataan. Waxaadna badisaa alle baryihiisa isagaa quluubta ga gadiyee in uu kuu soo jeediyo quluubta gabadha aad jeceshahay.Waxaadna alle ka tuugtaa in uu alle kuu sahlo guurka gabadhaan aad jeceshahay hadii uu Khayr kuu tahay.Waxaadna ku tiraahdaa gabdha  heestaan uu tiriyey Abwaan Faarax  “gob wuxuu jacaylyahay marka guuryimaadee kuu geed fariistee galbis ma u diyaartahay”

{Wabillaahi Towfiiq}

Talo bixiye: Calidheere

bulsho@aarannews.com

Leave a Reply