Haweenay Dibbi nuujisa Naaskeeda
Aarannews(Dalhi) Adduunkan inta aad ku nooshahay wax waliba waad ku arkaysaa ama ku maqlaysaa, waxayna Soomaalidu tiraahdaa “Nin adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban” waxaa laga soo sheegayaa dalka Hindiya in haweeney u dhalatay dalkaas ay nuujiso Dibbi yar.
Haweenaydaas oo degan tuulo ku taala gobolka Rajistan ee dalkaasi Hindiya ayaa la sheegay in ay maalmo kahor bilowday in ay naas nuujiso Dibbi yar oo Sacii dhalay la sheegay inuu caano yareeyay.
Haweeneydaas oo lagu magacaabo Shutia Bai ayaa nuujisa dibigaas 23-cisho dhalan mar waliba uu u baahdo caano, maadaama Sacii dhalay uusan laheyn caano ku filan.
Dalxiisayaal badan ayaa booqasho ku tegaya Tuulada Haweeneydaasi ku nooshahay, si ay u soo daawadaan haweeneydaas nuujisa Dibbiga.
Haweeneydan ayaa saxaafadda dalka Hindiya u sheegtay in aysan wax ceeb ah u arkin talaabada ay sameyneyso, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay go’aankan ay qaadatay oo ay sheegtay inay ku caawineyso nafley u baahan in loo fidiyo dhaqaaleyn.
Dibigaas yar ee haweeneydas naas nuujiso ayaa lagu waramayaa in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.
W/D: Caaqil Dalmar
