|

Khaad loo ekeysiiyay ubaxyada guryaha lagu sharaxdo oo la qabtay

Aarannews(Calgary)  Si loo qariyo isla markaana loo geeyo dal laga diidan yahay ayaa Baakado waxaa laga buuxiyay Khaat culeyskiisa lagu sheegay 73 Kg, kaasoo lagu qabtay Garoon diyaaradeed laga dhoofinayay.

Ciidamada ammaanka dalka Kanada ayaa la sheegay inay garoonka diyaaradaha Calgary International Airport ee dalka Kanada ku qabteen Khaadkaas oo loo soo qariyay si aad u farsameysan, isagoo loo ekeysiiyay ubax loogu talo galay goobaha xafladaha ka dhacaan in lagu sharaxo.

Hay’adda adeega xuduudaha Kanada ee  loo yaqaano Canada Border Services Agency ayaa shaacisay in ciidamada oo ka shakiyey ubaxyadaasi baakadaha laga soo biixyey ay fureen baakadihii kadibna ay arkeen Khaat la soo hoos geliyay Ubaxyo aad u qurxoon.

Xeeladdan ay adeegsadeen dadkii Khaadkaas lahaa oo fashilantay ayaa la sheegayaa in la waayay dadkii watay xilligii ciidamadu gacanta ku dhigeen Baakadihii Khaatkaasi ay ku jireen, mana la oga meel ay ku baxsadeen.

Waxaa aad loo rumeysan yahay inay khaatkaas lahaayeen dad Soomaali ah oo ay suurtagal tahay inay ka dhuunteen markii la ogaaday, balse xaqiiq ahaan lama oga cidda khaatkaasi lahayd ee sidaasi u soo xeeladaysay si ay ugu gudbiyaan gudaha dalka Kanada.

Waxaa la sheegayaa in ay tahay markii 19-aad oo la qabto khaat la doonayay in si kotorobaan ah lagu geliyo dalka Kanada sanadkan gudihiisa.

                                                                 W/D: Caaqil  Dalmar

                                                             caaqildalmar@aarannews.com

Leave a Reply