|

Carruur Soomaaliyeed oo nafaqodarro ugu geeriyootay dalka Mareykanka iyo Hooyadood oo arrintaas loo xiray

Aarannews(Indianpolis)   Labo carruur Soomaali ah ayaa u geeriyootay nafaqodarri, saddex carruur kalena way la ildaran yihiin oo waxaa la dhigay isbitaalka magaalada Indianapolis Gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.

Carruurtan Soomaaliyeed ee gudaha dalka Mareykanka nafaqodarada ugu dhimatay oo kala ahaa wiil sano 3 Jir ahaa iyo gabar 5 sano jir ahayd ayaa waxaa meydkooda laga helay gurigooda oo sida la sheegay ku yaala waddada Londonderry Court ee dhismayaasha Manchester Village, waxaana Booliska ku war geliyey  nin qaraabo la ah qoyska oo lagu magacaabo Xuseen Aadan kadib markii uu booqday guriga xilli uu ka tegay magaalada Chicago.

Hooyada dhashay carruurtan oo lagu magacaabo Ebyan Faarax ayay soo qabteen ciidamada Booliiska oo ku soo oogay dacwado la xiriira inay dayacday carruuteeda, waxaana la weydiinayaa su’aalo ku wajahan sababta.

Ebyan Faarax oo sida la sheegay dalka Mareykanka tagtay 10 sano kahor ayaan weli Booliska siinin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay in carruurteeda ay nafaqodarro ugu dhintaan gudaha dalka Mareykanka

                                                                   W/D:  Caaqil  Dalmar

                                                        caaqildalmar@aarannews.com

Leave a Reply