|

Askari ka tirsan Xarakada Al-shabaab ah oo ka yaabiyey AMISOM

Aarannews(Muqdisho)   Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka yaabiyey askari ka tirsan xooggaga Al-shabaab oo ciidamada AMISOM ay ku qabteen dagaalladii ugu dambeeyay ee shalat ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Askarigaas oo ah wiil aad u da’yar oo ka tirsan ciidamada u dagaalama Xarakada Al-shabaab ayay ciidamada AMISDOM geeyeen xaruntooda ugu weyn ee Muqdisho oo ku taala xerada Xalane ee duleedka Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saraakiisha AMISOM oo askarigaas u bandhigay Saxaafadda ayaa waxyaabaha layaabka leh ee uu sameeyay waxaa ka mid ahaa inuu diiday inuu salaamo saraakiisha iyo askarta AMISOM oo uu sheegay inay yihiin Gaalo jirkooda iyo jirkiisana ay xaaraan kala yihiin.

Su’aal kasta oo ay weydiiyaan wuxuu kaga jawaabayay aamusnaan, wuxuuna si aad ah ugu gubayay indhaha, isagoo u muujinayay nacayb xooggan uu u qabo.

Waxa uu u sheegay inuu  yahay mujaahid doonaya inuu dagaal la galo, uuna jeclaa intii uu ku jiri lahaa gacanta Gaalada in uu shahiido.

Afhayeenka AMISOM Captain Barigiye Bahoku oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wiilkan dhalinyarada ee ka tirsan askarta Al-shabaab u dagalaanta ay ka soo qabteen dagaal ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in la soo qalday wiilkaas isla markaana ay heynayaan tan iyo inta ay ka fahamsiinayaan wanaaga nabadda, isla markaana aysan waxba gaarsiin doonin.

“Wiilkan magaciisa waxaa la yiraahdaa Maxamed Macalin Aadan, waa wiil yar, hadda waa uu na diidayaa, ciidankeena ayuu iska diidayaa oo ma ogola inay taabtaan, waana la soo qalday” ayuu yiri Barigiye Bahoku oo intaas ku daray inay dhaqan celin ku sameyn doonaan oo ay xanaanaynayaan inta ay ka barayaan nabadda iyo wanaageeda, sida uu yiri.

Wiilkan dhalinyarada oo saxaafadda ay wax ka weydiisay halka uu ka yimid ayaa waxa uu sheegay inuu ka yimid degmada Diinsoor, waxaana wejigiisa ka muuqatay caro aad u weyn oo uu u qabay ciidamada AMISOM, isagoo la arkayay isagoo u faruuryo qaniinaya Ciidamada AMISOM.

Maxamed Macalin Aadan oo aan wax cabsi ah wajigiisa ka muuqan ayaa sheegay inuu waxyaabaha uu ku jiray ay ahaayeen mid sax ah, dagaalkana uu ahaa mid jihaad ah oo uu la dagaalamayay Gaalo sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu fariin u diray xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inuu nool yahay oo uusan weli shahiidin, wuxuuna ka dalbaday inay u soo duceeyaan.

                                                                 W/D:  Caaqil  Dalmar

                                                      caaqildalmar@aarannews.com

1 Response for “Askari ka tirsan Xarakada Al-shabaab ah oo ka yaabiyey AMISOM”

  1. asad says:

    kkkkkkkkkkkkkkk walhi waa dhunsantahay dheh wee sixreen ayaan umaleynaa alshabab dadka wey sixraane

Leave a Reply