|

MAXAA KA RUN AH IN SHUMISKA IYO BAASHADA LAGA QAADO CUDUR….?

Dadka badsada shumiska afka ah iyo baashada dhuuqmada ah ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhaco cudur u eg hargabka oo loo yaqaano Mono Nucleos Disease.

Cudurku waa mid leh astaamaha hargabka oo kale, marka uu qofku ku dhaco waxa uu dareemaa xanuun qanjirada dhuunta ah iyo  qandho wadata madax xanuun maalmo kooban ah kadibna waa uu bogsadaa qofkiyoon  wax dawo ah qaadan.

Shumiska iyo dhuuqmada muddada dheer  ayaa cudurkani uu ka dhashaa, laakiin ma ah in cudurku ku dhacayo qof kasta, wuxuuse ku dhacaa marka qofku baasho la wadaago qof cudurkan qaba.

Haddii cudurku uu soo laalaabto dhibkiisa ayaa sii bata, sida dhuun yuc yuc iyo riiraxyo joogto ah, lulmo ama caajis badan, qandho,  murqo xanuun,  finan jirka ka soo baxa, qumanka oo xanuuna, qanjirada dhuunta iyo kuwa kilkilaha oo xanuuno, haddii uu sii weynaado cudurkuna qofka beeryarada ayuu ka bararaa kadibna waxaa suuragal ah inuu u geeriyoodo.

Cudurkaan ayaa cilmi baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in uu aad ugu badan yahay dadka Mareykanka, sidoo kalena uu si  aad ah ugu yar yahay dalalka Afrikaanka.

Leave a Reply