Nin isu ekeysiiyey Dumar oo dhac u geystay Bank
Nin isu soo ekeysiiyey Dumar, isla markaana soo xirtay dareeska xijaabka ah ee ay qaataan dumarka muslimiinta, wejigana ku xoo xirtay Indho-shareer ayaa dhac u geystay Bank la yiraahdo Scotiabank oo ku yaala magaalada Ottawa ee dalka Kanada.
Booliska magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Kanada ayaa sheegay in galabnimadii khamiistii ee la soo dhaafay uu nin ku lebisan dareeska dumarka Islaamka ku xijaabtaan uu Bankiga Scotia ka dhacay lacag aan lashaacin cadadkeeda.
Gabar Bankiga Scotia ka shaqaynaysay ayaa Booliska ku wargelisay inuu nin ku lebisan dareeska dumarka Islaamka uu dhac u geystay Bank kaasoo sida ay sheegtay ku hadlayay luqadda English-ka oo weliba sida ay sheegtay aanu si fiican ugu hadlaynin, isagoo markii uu lacagtii qaatayna baxsaday.
Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Ottawa ayaa sheegay in ay horey u wadeen baaris kiis ah nin dhac kala duwan u geystay dhowr Bank, kaasoo dareeska dumarka xiran wuxuuna afhayeenku sheegay in arrintaasi ay soo taagnayd sida uu sheegay laga soo bilaabo ilaa bishii June ee sanadkii tegay 2010.
Laakiin afhayeenku wuxuu sheegay in aan la ogeyn in ninka ku lebisan dharka xijaabka aan ilaa iyo hadda la garanayn inuu yahay nin kaliya iyo inuu yahay niman kala duwan oo iyagoo dareeska dumarka xiran dhaca geystay, wuxuuna sidoo kale afhayeenku sheegay in qofka dhaca geysanaya uu yahay qof qariyay dhammaan jirkiisa, kaliyana ay muuqdaan indhihiisa sida Kaamaradii Bankiyada ku xirnaa ay muujiyeen.
Afhayeenka u hadlay Booliiska magaalada Ottawa ayaa sheegay in arrinka la baarayo, marka ay baaritaanka soo gabagabeeyaan ay soo saarayaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan arrinkan.
W/D: Caaqil Dalmar
