|

Gabar afduub ay ku tijabinaysay Jacaylka ninkeeda samaysay oo xabsi loo taxaabay

Aarannews(Spain)  Gabar u dhalatay dalka Spain ayaa si ay ogaato heerka jacayl ee uu ninkeedu ka gaarsiisan yahay iyada xaggeeda waxay sameystay afduub been abuur ah iyadoo ninkeeda ku wargelisay  in kooxo hubeysan ay afduubteen lagana doonayo lacag fara badan oo madax furasho si loo soo daayo.

Gabadhaas ayaa ninkeeda u sheegtay in haddii uu jecel yahay degdeg uga soo gaaro isla markaana lacagtaasi u soo shubo kooxda afduubka ku heysata.

Ninka qaba haweeneydaas aya markiiba ay fariintaasi soo gaartay xiriir degdeg ah  la sameeyay ciidamada Booliska dalka Spain oo uu arrinka u sheegay, kadib baaritaan ay sameeyeena ay ku ogaadeen in afduubku been abuur yahay, waxayna xabsiga u taxaabeen  haweenayda oo ay sheegeen in ay ku kacday fal dambiyeed afduub been ah si ay u tijaabiso heerka uu gaarsiisan yahay Jacaylka uu Ninkeedu u qabo.

Afhayeen u hadlay ciidamada amaanka ee dalka Spain ayaa warbaahinta u sheegay in haweenayadani ay si been been ah iskaga dhigtay in la afduubay oo loo haysto lacag madax furasho ah oo gaaraysa Lix iyo Labaatan Kun oo lacagta dollarka Maraykanka ah.

Waxa uu afhayeenku sheegay in  haweeneydan ay u dirtay Telefoonka Moobaylka ninkeeda fariin qoraalleed iyo Sawirkeeda iyada oo iska dhigaysa in ay ku hadlayso afkii Kooxda afduubtay, waxayna u dhignayd fariinta ay dirtay ninkeeda:

“Waxaanu nahay koox afduubtay xaaskaagii, waxaanu kugu wargelinaynaa in aad si degdeg ah u soo bixiso lacag madax furasho ah oo gaaraysa 26 Kun oo doollar,  hadii aad muddo saacado gudaheed ah ku keeni weydo lacagtaas, waxaad ogaataa in si fudud  aan u qaarijin doono xaaskaaga”.

Ninka qaba haweenaydan ayaa isla markiiba  fariinta loo soo diray ku wargeliyay ciidamada Booliska si loo soo samatabixiyo, haddii aysan Boolisku awoodi Karin inay samatabixiyaana uu ku qasban yahay sida uu Booliska u sheegay in lacagta ay kooxdaasi heysata xaaskiisa dalbadeen inuu bixiyo.

Booliska oo baaritaan  degdeg ah  sameeyay si ay u ogaadaan kooxdaasi meesha ay ku heystaan haweeneyda aya waxa ogaaden in afduubka haweenayadani uu yahay mid aanay waxba ka jirin oo been abuur ah waxayna soo  qabteen haweeneydii oo bed qabta oo aan   la afduuban iyada oo six or ah u wadata baabuurkeeda khaaska.

Waxa ay ciidamada Booliska dalka Spain ay sheegeen in haweeneyda falkaas been abuurka ah ku kacday la hor keeni doono dhawaan sharciga si looga abaal mariyo dambigaa ay gashay.

                                                                   W/D:  Caaqil  Dalmar

                                                         caaqildalmar@aarannews.com

Leave a Reply