Cabitaanka Coca Cola-da oo la sheegay in maadooyinka laga sameeyo Khamri ay ku jirto
Aarannews(Muqdisho) Cabitaanka Coca Cola-da oo ah sharaab aad looga isticmaalo caalamka, bulshada Soomaaliyeedna badiyaaba isticmaasho marka ay qayilayaan iyo marka ay raashiinka cunaan kadib oo dheragdhacsi u isticmaalaan ayaa waxaa la sheegayaa in maadooyinka laga sameeyo cabitaankaasi uu ku jiro maadada Khamriga.
Shirkad Yuhuud ah ayaa iska leh Coca Cola-da, mana jirto cid kale oo loo ogol yahay, shirkaddaas ayaana adduunka qeybaheeda kala duwan ka hirgelisa, iyadoo gacanta ku heysata Kimikada laga sameeyo Coca Cola-da.
Waxaa la sheegay in muddo dheer aan la ogayn maaddooyinka laga sameeyo Coca Cola-da, in badan baana la baadigoobay sidii lagu ogaan lahaa maadooyinka ay ka kooban tahay Coca ola-da, laakiin haatan waxaa helay isla markaana shaaciyay Web Site laga leeyahay dalka Mareykanka oo sheegay in madooyinka qarsoodiga ahaa ee laga sameeyo Coca Cola ay ku jirto Khamrigu.
Madooyinka iyo khiyaasaha ku jira cabitaanka Coca Cola-da ayaa waxay kala yihii sidan:-
| FE Coca (Fluid Extract of Coca) |
3 drams USP | 4 oz FE Coco |
| Citric Acid | 3 oz | 3 oz |
| Caffeine | 1 oz | 1oz Citrate Caffein |
| Sugar | 30 # | 30 # |
| Water | 2.5 gal | 2.5 gal |
| Lime Juice | 2 pints (1 qrt) | 1 qrt |
| Vanilla | 1 oz | 1 oz |
| Caramel | 1.5 oz or more to color | Color sufficient |
| Use 2 oz flavor (below) to 5 gals syrup | 2.5 oz flavor | |
| 7X Flavor | ||
| Alcohol | 8 oz | 1 qrt |
| Orange Oil | 20 drops | 80 |
| Lemon Oil | 30 | 120 |
| Nutmeg Oil | 10 | 40 |
| Corriander Oil | 5 | 20 |
| Neroli Oil | 10 | 40 |
| Cinnamon Oil | 10 | 40 |
W/D: Caaqil Dalmar
