Sheekadii QALBI LABO U QEYBSAMAY (Qaybta 13aad)
In cabaar ah markii ay sheeko caadi ah u socotay ayuu mar dambe Saleebaan u tafaxeytay in uu u bandhigto jaceylka uu u qabo ee ku soo siyaaday markii uu dhaayo ka qaaday, markaasuu ku yiri “Safiyaay haddii aad waxgarad tahay, Ruux cudur kediyay, Cunadii ka go’ay, Ceeshna aan waayinoo, Caafimaadka dawadiisa, Dhakhtarada caarifeenoo, Ceynba ceyn sharoobo, inuu ku caafimaado, looga caalwaayay, haddii carfooney adi, Caafimaad aad u tahay, ma cunahaad jari, mise waad caawinnoo, Ceymo baad u noqon…?”.
Cabaar ayay fakartay, micnaha ujeeddada ayay meel ay cusjiso weysay, iyada in ruuxa loo buko tahay ayay is tusisay, haddana ruuxa u buka ayay degdeg u soo dhufan weysay, in walaalkii Xasan uu ergo ka yahay ayay haddana u qaadatay, iyadaa isu warisoo laabta iska tiri “Oo Xasan inaan la qabanayo Jacaylka ayaanba u sheegaye, muxuu arrinka heerkaa u gaarsiiyay, mise weli kalsoonidarraa heysa wiilka?”.
Wey isla sii hadashoo waxay tiri “War jiraaba wuu soo banbixi” markaasaa inta ay dhankiisa u janjeerisay qoorteeda isna uu dareemay inay hadal gocanayso ku hadaaqday “Ruux cudur kediyay, Cunadii diidoo ka go’ay, haddana aan ceysh waayinnoo, Cunaha aan marsiineyn, Cutub walboo dawaa, inuu ku caafimaado, Caadil calaf uga yeelin, haddii anni caafimaad, iyo ceymo aan u ahay, Wallaahi waan caawinnoo, Ciseynayaa weligiis, ee intuusan cudurka, ku gaamurin calooshiisa, aan ceymiyo gurmad, cuddoon wacan u noqdee, ii caarif ruuxuu yahay, in leys caawiyo geesiyow, Caadillaa ina faree…”
Intuu qosol dhag ka siiyay oo si jees jees ah u fiiriyay, haddana indhaha siin waayay ayuu sidii Dumarkii xishood la hogaday.
“……Hadday u daran tahay….sideen aniga waa u dhahayaa” ayuu cabaar iskula dooday, “War u sheeg ha baqanine, danta aad u timid waa isagee, ma jacaylaa baqo iyo xishood toona yaqaana, waa dowlad calan lahoo cidi aan la hadli karine” intuu isku canaantay hadalladaas ayuu halmar la soo booday “Safiya ruuxaaasi…een, waa…. Yaah…. ixiiiiii….een……) xishood dartii hadalkii ayuu u sii dhamaystiri waayay oo ka kala jarmay, cantuuf cunihiisa xiray hadalkana isbaaro u dhigtay inta uu dib u liqay ayuu hadal aad mooddo inuu cunaha xoog uga soo baxayo ku yiri “Ruuxaasi Safiyaay waa aniga nooooooh”.
Safiyo wiish ayaa dhagaheeda ku yeeray oo qalbigaa qarxan gaaray, siday arrintaa fajacisada leh ka yeeli lahayd ayay ku mashquushay oo cabaar la sheekeysi nafsadeed ku daahday.
“Yaah….!! labo walaalo ah….Jacayl la jil aaaa…. mid baanba horay qalbiga ugu guntay oo jacaylka igu tallaalaye, ma kid kalaan maaro u heli karaa iyo weliba jacayl cusub, Jacaylku shar badannaa oo mucjiso iyo cajiib culusaa……” ayay iskula hadashay, kadibna cabaar aamustay.
LA SOCO AXADDA KALE (Insha Allaah)
Qalinkii: C/raxmaan Cumar (Caaqil Dalmar)
