Sheekadii QALBI LABO U QEYBSAMAY (Qaybta 18aad)
Xasan markay dhegihiisa soo gaareen Safiyaan dhawaan la aqal galayaa…ayuu feer ku soo daayay Saleeebaan, Hooyadood oo ku dhex jirtay ayaa habeenkaas kala celcelintooda ku daashay, waqtiga intiisa badan waxay ku qaadatay kala dhicinta labadeeda wiil oo habeenkaasi ay si ba’an uga tafatay, Xasan ayaase la celcelin waayay oo mar waliba u baxbaxsanayay Saleebaan.
Markuu waagii dilaacay ayay aleylkii hore ee alaseyda Hooyadood jarmaaday oo beegsatay Guri walaalkeed deganaa oo Xaafadda Howlwadaag ku yaalay, arrintiina la socodsiisay, wiilashii oo weli hurda ayay u yimaadeen, in cabaar ah kadibna soo wada tooseen.
Abtigood oo ay si aad ah u qadiranayeen ayaa labadoodiiba u yeeray, arrintii ay isku haysteena lafo guray, mase noqon mid si sahlan ku dhammaata oo waxa arrintii gaartay Duq Muumino, Safiyo Hooyadeed iyo labo nin kale oo wiilasha Adeer u ahaa, markaasaa Garsoor Caashaq la guda galay, wixii leys jiid-jiidaba waxay arrintii ku soo biyo shubatay in Xasan maadaama isaga jaceylku ku horreeyay, haddana Faataxada loo maro oo Gabadha walaalkiis ka weyn uu u daayo.
“Gari labo nin kama wada qoslisee” ma hadal buu ka soo celin karaa, waalidiintiis ayaa go’aanka gaaree sidii ayuuna isagoon raali ahayn oo la qasbayo faataxada ku qaatay.
Maalmo yar kadib Saleebaan iyo Safiyo Arroos kii ugu mudnaa ayay galeen oo farxad iyo reyn-reyn ku nagaadeen. Xasanna degenaanshihii ayuu lumiyay, howshiisii ayuu sagsaagay, Dukaankiina dayacay, waa gartiis ruuxii jaceylka ku abuuray ayaa qayaano jacayl ku sameysay, walaalkiis ayaase bara bixiyay oo cid uu eersadaanba jirin.
Wuxuu noqday dhoohane, maqane jooge mar uu isla sheekeysanayo oo faraha ka hadlayo iyo mar uu isku buuqsan yahay ayay xaaladdiisu iskugu soo ururtay, wuxuuse ku hadaaqi jray: “Fakarayoo nafteyda, Filanwaagan igu dhacay, Fakar baan la hoydaa, Fiidkii la seexdaa, Feedha bidix wadnaha suran, Tii jaceyl ku fidisaa, Fulin weysay wacadkee, Ficil aad sameysaa, Samir baa u fiicane, Ha fakarine nafyahay jog, Farxad aan ciyaarniyo, Aroos baanba filayee, Sow tan fiidkii baas yimid”.
La soco Axadda kale (Insha Allaah)
Qalinkii: C/raxmaan Cumar (Caaqil Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com
