|

Nin Xaaskiisa dilay isna is xabsi isku dhex daldalay

Xabsi ku yala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maalintii shalay isku daldalay nin in muddo ah ku xirnaa xabsigaas oo horey dil ugu geystay xaaskiisa.

Ninkaas oo maxkamadda darajada koowaad ay ku xukuntay dil ayaa si kedis ah shalay isku daldalay, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in uu is daldalo.

Xeer ilaaliyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Gaashaanle dhexe Bashiir Cabdi oo booqday xabsiga uu ninkaa isku daldalay ayaa xaqiijiyay dhimashada ninkaas isku daldalay gudaha xabsiga, wuxuuna sheegay in ninkaas is daldalay uu ka soo jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Leave a Reply