Sheeko cusub GOWRICII QARSOONAA
FILO DHAWAAN SHEEKADAN CUSUB :-
Hordhac:
Waxaa la geliyay cadaab aad u daran, Hilibkiisa dusha sare ayuu ka bislaaday, timihiisana waxaa gubay shucaac iyo biyo karaayay oo dhakada sare looga shubay, midabkiisii wuxuu isu beddalay guduud barxan, indhihii oo xiribihii ay ka gubteen ayuu silic ku kala qaaday, jirkiisii sidii maqaar engegay u urayay ayuu ku dul ilmeeyay, Eeyo badan oo doonayay inay feentaan ayaa ka dul sawaxayay…..
Qisadani waa mid xanuun iyo murugo badan xambaarsan, isla markaana waa cibro qaadasho dadka Afrika ka soo jeeda ku socoto. Haddaba dhawaan ayaa qisadan lagu soo bandhigayaa Shabakadda Aarannews.com ee ha u daymo la’aanina haddii uu Alle idmo.
Waxaa Qisadan qalinka u qaatay isla markaana idiin soo gudbinaya Caaqil Dalmar oo ah hal abuure qisooyin badan oo hore looga daba dhacay soo bandhigay, tanina wuxuu leeyahay bal ila arka oo min bilow ilaa dhammaad la socda, iskuna day in aysan cidina kaaga sheekeynin xiisaheeda iyo xamaasadda ay xambaarsan tahay.
