GIWRACII QARSOONAA ! (Qaybta 5aad)
Isagoo ku socdo tilmaan wajahan oo dhabaysan ayuu soo beegsaday Dukaankii Boorsada loo soo dhigay oo ay joogtay Haweeney magaceedu ahaa Faadumo oo ay is bar aqoonsadeen, salaan kadibna waxay guddoonsiisay Boorsadiisii, casar dheerna wuxuu u caraabay jihadii uu subaxnimadii kaga yimid Geela.
Run ahaantii kama yarayn Boqol Kiilo culayska Boorsada, isagase lama ahayn inuu xamaalayo wax dhaafsiisan go’iisa, ilaa iyo intii uu soo gaarayay Geela waxa uu iskula hadlaayay, “Ilaahayow waa mahaddaa haddii Daahir aan u helay tacliin dibadeed, muxuu Geela la coloobay”.
Baashii u horreysay ee Geela ayuu soo gaaray, maalintaas Faarax dhammaan Geelii ayuu ugu yimid sababtoo ah waqtiga oo cadar qaboobe ahaa iyo Daahir oo ogaa haddii tii shalay uu mid kale maanta ku daro ay talo fara ka haadayso, sidaas awgeed ayuu taxadar dheeraad ah u muujiyay.
“Aabe maxay tahay Shandadan weyn ee aad isku soo dishay maanta” ayuu Daahir ka hor geeyay aabihiis, “Arki doontide iga daa su’aalaha badan” wax intaas dhaafsiisan ugama jawaabin.
Fiidkii kolkii la soo xarreeyay Xoolihii, Maqashiina loo dhigay Ariga, kadibna lagu xarreeyay Edegoodii, Geelii wixii Igar ahaana loo soo lisay carruurta ayaa Faarax wuxuu isugu yeeray Qoyskii, waxaana la isugu yimid Ardaagii waynaa ee guriga, wuxuu sheegay in C/naasir soo diray warqad ah in Daahir loo soo dhoofiyo Ingiriiska iyo in reerka dhammaan loogu salaamo, gaar ahaan Xaliimo, “Salaamulaah” ayaa lagu kala aamusay.
Boorsadii ayuu soo qabtay oo fure ugu xirnaa guntiga la doontay quful yar oo ka lalmanayay, haddii uu fag siiyay waxaa dadkii saaqay caraf iyo Barafuuno xoog leh, wuxuu ka soo qubay Silisyo, Fargashiyo, Cataro, Baarafuuno iyo waxyaale kale oo ka qayb qaata dhaldhalaalinta Haweenka, qof waliba wuxuu qaatay nasiibkiisa, walow ay Xaliimo Saddex dalool ay meel ku lahayd.
“Ciidan yar iyo Calaf yarba marka la waayo ayaa la tebaa” xumaan iyo samaan wixii uu Daahir lahaaba, waa ka tala baxay reer Faarax, booskii uu banneeyayna Oday Faarax ayaa ina Adeerkiis oo deganaa meel hal cabaar ah u jirta degaanka u doontay wiil ciidan u noqda oo booskii Daahir u buuxiya.
LA SOCO AXADDA KALE (Insha Allaah)
Qalinkii: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com
