|

GOWRACII QARSOONAA (Qaybta 6aad)

“Ciidan yar iyo Calaf yarba marka la waayo ayaa la tebaa” xumaan iyo samaan wixii uu Daahir lahaaba, waa ka tala baxay reer Faarax, booskii uu banneeyayna Oday Faarax ayaa ina Adeerkiis oo deganaa meel hal cabaar ah u jirta degaanka u doontay wiil  ciidan u noqda oo booskii Daahir u buuxiya.

Xilli barqo kulul ah ayuu Faarax Degsiimadii isa soo taagay, nasiibwanaag waxa uu la kulmay Ina adeerkii Ciise oo ka fara xalanaya habaaskii Aaran uu suntaayey, isagoo diyaar u ahaa inuu Waysada u biyeysto Sahan, taasoo ay sheegeen ragga xiddigiyaasha ahi inay soo food leedahay Diraac kulul oo markaasi Xoolalaydu ay ka sii gaashaamanayeen.

 

Faarax wuxuu uga warbixiyey Ina adeerkiis Ciise wixii soo kordhay iyo in C/naasir fariin soo diray, soona dalbaday in Daahir dalka Ingiriiska loo soo diro si uu waxbarasho halkaa uga geeyo, sidaa darteed ayaa wuxuu u sheegay inuu rag ciidan ah oo booskii Daahir u buuxiya uu ka doonayo.

 

“Ninka aad Neef Ari ah ka doonayso Geel baa la waydiistaa” ayay Soomaalidu tiraahdaaye Faarax ma yarayn hawadiisa, waxa uu Ciise u sheegay  inuu labo Wiil ka doonaayo, Ciisana waxba hadalkii kuma raagine wuxuu ku yir “Faaraxow Afar Nin oo hanaqaad ah ayaa jooga ee midka aad danaynayso kaxayso”.  Xulasho badan Faarax ma uusan geline Cali oo ah da’dii Afraad ee Ciise ayuu carab-daaray.

 

Ciise, wuxuu markiiba la hadlay mid ka mid ahaa wiilashiisa oo magaciisu Aadan ahaa kaasoo meel  aan isaga agtiisa ka fogeyn ku hayay howl, wuxuuna faray inuu Cali oo subaxaa Geelii wax ka foofiyey soo bedello.

 

Cali markii uu gurigii yimid wuxuu durbadiiba salaamay adeerkiis, kadibna aabihii Ciisaa yiri “Aabbe khayr iyo duco ayaad qabtaaye, Adeerkaa raac oo u noqo ciidan”.

 

Cali baa su’aalay Aabbihiis oo yiri “Aabbe Daahirna  xagguu aaday?” adeerkaa C/naasir ayaa yiri hala ii soo diro” wax hadal ah isagoo aan ku soo celin ayuu si ixtiraam waaalidnimo ku jirto u qaatay hadalkii Waalidkiis.

 

Oday Faarax markii uu hubsaday inuu wiil ciidan ah helay ayuu Ina adeerkii Ciise u taagay lacag dhan Kun Shillin Soomaali isagoo ku dhahaya “Intaan ayaa kaa soo gaartay Kistii uu C/naasir soo diray”.

 

Ciise kama uusan qaadan lacagtii oo wuu ka diiday maadaama uu isu arkaayay nin hanti Xoolaad leh,  isagoo ugu turaayay Ina adeerkii maadaama uu ka Xoolo badan yahay, laakiin ugu dambaystii Faarax ayaa ogoleysiiyey oo kaga dhaartay inuu dib u ceshanayo.

 

Cali waa 16-jir u dhigma 30jir xag caqli iyo xoogba, fara ku tiris ayay ahayd intuu Ardaaga gurigooda ka soo hor toosay, Shan sano jirkiisii ayuu dabada qabsaday Geela Horweynka, ilaa iyo labo Kadina u ahaa wiil yar.

 

“Bahal ceyriin ma daayo, ninna caadadii ma baajo” Daahir iyadoon xigsin Geel gaarin ayuu madaxa iyo manjahaba duubay, Maandeeq oo Gu’rin ahayd Geelana uu Faarax ugu jeclaa, xudduna u ahayd Aamina oo reerka u yarayd, subaxaa ayay dhaqaaqday, tebista maqanaanshaheedana loogama horeyn Faarax oo Geela ku bilaabay il-xoolaadis.

 

LA SOCO AXADDA KALE (Insha Allaah)

 

Qalinkii:  C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

 

caaqildalmar@hotmail.com

Leave a Reply