|

Tababare Gian Piero Gasperini oo la ceyriyay

Web Site-ka Kooxda Inter Milan ee inter.it ayaa lagu shaaciyay  in kooxdaasi ay ceyrisay tababare Gian Piero Gasperini kadib guuldarooyin isdaba joog ah oo soo gaaray kooxda Inter ciyaarihii ugu dambeeyay.

Gasperini ayaa ku bilowday waqtigiisa Inter guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Super Coppa Italiana markii ay la ciyaareen AC Milan, waxaa u sii raacday guuldarro kale oo ahayd  4-3 oo ka soo gaartay Palermo, halka Roma ay la galeen barbaro goolal la’aan ah 0-0.

Guuldarada naxdinta leh ee Inter soo gaartay  waxay ahayd kadib 1-0  garoonkooda ay uga badisay todobaadkii hore kooxda Trabzonspor kulan ka tirsanaa Champions League, waxaana kooxda ay ceyrisay Gasperini kadib markii Inter xalay guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay Novara.

W/D: C/wahaab Maxamed Warsame (Qanciye)

Leave a Reply