|

SU’AALO JACAYL OO KU SOCDA DADKA KU HOWLAN ARRIMAHA JACAYLKA

  1. 1. Jacaylka dhibtiisa iyo dheeftiisa midkee badan?.
  1. 2.  Lamaanayaasha jacaylka isku guursaday iyo kuwa iyagoon Jacayl soo jilin is guursaday ee calafku isu keenay kuwee badan. Labadaas guurna midkee haboon?.
  1. 3.  Jacaylka yimaada guurka hortiis iyo midka yimaada guurka dabadiis midkee fiican?
  1. 4.  Maxaa sabab u ah in marka lamaanayaashu isku guursadaan Jacayl ay xurgufi soo kala dhex gasho kadib marka ay xoorta jacaylka isla dhammaan?
  1. 5.  Maxaa  keena burburka jacaylka iyo kala xiiso dhaca lamaanayaasha ee jacaylkoodu burburo iyagoon ka guul gaarin jacaylka?
  1. 6.  Maxay tahay sabagta guryo jaceyl lagu dhisay ay muddo yar gudaheed u dumaan?
  1. 7.  Maku saxsan yihiin ragga oraahda ah “Dumarka been baa loogu soo xero geliyaa, runna waa lagu dhaqaa?
  1. 8.  Maxay tahay sirta ku qarsoon in Lamanayaashu isu qariyaan dabeecadahooda dhabta ah xilliga haasawaha, lana soo ifbaxaan marka guurku yimaado kadib?.
  1. 9.  Ragga iyo Dumarka kee baa ka run sheega Jacaylka kuna ad-adag jilistiisa?
  1. Maxaa sababa  in qofka wax jecel haddii uu guuldareysto uu is duleeyo, mararka qaarna naftiisa is dhaafiyo, sida marar badan dhacday?

Waxa Diyaariyay:

Cabdi-wahaab Maxamed Warsame(Qanciye)

Kampala – Uganda

cwhappy99@hotmail.com

                                                             Tel:  0791551655

Leave a Reply