GOWRACII QARSOONAA(Qaybta 9aad)
Ismaaciil wuxuu Faarax u sheegay inuu rag macsuumaad qado sharaf uu u sameeyay uu sugayo, iyagana ay kala qeyb qaadanayaan. Ilaa iyo inta raggii uu casuumay ay ka imaanayeen Ismaaciil iyo Faarax waxay ka sheekeysanayeen waayo-waayo iyo xilligii ay isla mareen yaraantoodii, Daahirna wuu iska dhagaysanayay oo hadalna kuma darsanayn, iyadoo ay Daahir u ahayd maalintii ugu horreysay ee uu casuumaad ka qayb galo.
Markiiba raggii baa soo galay, qado sharaftiina laga laacay, iyadoo qof waliba uu cunay calafkiisii ayaa waxa uu Ismaaciil is baray raggii u casuunnaa iyo Faarax oo isna sidoo kale raggii sii baray wiilkiisa Daahir una sheegay inuu safar u yahay London iyo Carigaa Ingiriiska.
Ismaaciil wuxuu Faarax ka codsaday in maalinkaa iyo habeenkeedaba isaga ay la joogaan oo guriga ku nasiino qaataan, laakiin taa Faarax ayaa ka cudurdaartay, kuna raali geliyey “Ismaaciilow waxaan ku faraxsanahay sida aad maantay nooga qayb gelisay casuumaadda sharafta leh, haddana waxaanu jecel nahay in Maxamuudkii aanu yaraanta isla soo kornay oo dhawaan ka yimid Ingiriiska, lana doonayo inuu Daahir sii wado ku qabano Guriga”, “Ma Maxamuud Ilka-case baa” ayuu Ismaaciil la soo booday, “Haa waa isaga” “Anigaa idiin geynayee ina keena” ayuu Ismaaciil durbadiiba la soo booday, halkii ayayna iska wada raaceen, iyagoo sii kaxaystay Baabuur Land-Rover ahaa oo Ismaaciil uu ku tamashlaynayay.
Gurigii uu ku soo degay Maxamuud oo aan xaafadda Ismaaciil ka fogeyn oo ahaa Ville markaa gacanta laga qaaday ayay illinka iska soo taageen, Ismaaciil ayaa hoonka cuskaday, hal mar ayaa albaabkii fag laga siiyay, Maxamuud oo markaas isu diyaariyay qubays, Shukumaanna garbuhu u saaran yahay ayaa qoorta kala soo baxay albaabka, labadoodii indhood ayaa sida magnadka isugu dhacay.
Oday Faarax ma ogayn goor albaabka Gaariga, laga furay lagana dafay kursigii uu ku fadhiyay, isla markiibana isaga iyo Maxamuud ayaa isugu duubmay sidii Maska oo kale, dhunkashadooduna ma lahayn xad, “Walaal ii waran war maxaa kugu dhacay oo sidaan kuu beddelay” ayuu in badan Maxamuud ku celcelinayay, iyagoo ay ka muuqato indhahoodu in ay kala raageen.
Calaacalka Maxamuud waxay u banaayeen isbedelka ku dhacay Faarax iyo sidii uu u weji doorsoomay muddooyinkii isugu dambeysay, wuxuu soo xusuustay wada socodkii yaraantooda iyo siday wax u qasi jireen iyo kala fogaanshaha ku dhacay, waayo Faarax wuxuu u go’doomay Xoola raacis, isagoo isu diyaarinaayay in isaga iyo Maxamuud Arday ka noqdaan Dugsiga Sheekh, waxaase Faarax ku simi waysay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Aabihiis oo erayadii ugu dambeeyay ee dardaarankiisa ay ka mid ahaayeen “Faarax hormuud halooga dhigo xoolaha” halka Maxamuudna uu Iskuulkii bilaabay, waxbarashadana ku dedaalay ilaa uu hadda ka joogo heer Aqoonyahan sare ah.
Ninkii Ismaaciil ahaa iyo Inankii yaraa ee Daahir ahaa Gaariga dhexdiisii ayay ku noqdeen tabeelle iyo dhardhaar la ilaaway oo kale, waxaana filim u noqotay sida Faarax iyo Maxamuud ay isugu marqaansan yihiin iyo jacaylka ka dhexeeya, xusuustii Faarax ayaa waxaa markiiba ku soo dhacday in saaxiibkiis Ismaaciil uu sugaayo, fasaxid dhaqaaq yar ayuu u soo sameeyay xaggoodii, “Ismaaciil raali iga ahow, waaba ku ilaawaye” ayuuna si maslaxid ah ugu cudurdaartay. “Mashaakil malaha” ayuu ugu celiyay, isagoo dhoola caddaynaya, xagga daaqadda isteerinka ayuuna kala soo wareegay isagoo Ismaaciil nabadgelyeynaya.
“Waan is arki doonaa haddii Eebe idmo iyo kulanti dambe oo xiiso leh ayaana lagu kala tegay” iyadoo wiilkii Daahir ahaana loogu baaqay inuu gaariga ka soo dego, kadibna inta Maxamuud ka soo qubeysanayay oo isa soo diyaarinayay Faarax iyo curadkisii safarka ahaa ee Daahir qolka fadhiga ayay ku keli noqdeen.
Casirnimadii ayay u soo dhaadheceen Maqaaxi fadhiga dadka iyo sansaan qaabeedku indhaha naflaha uu soo jiidanaayo, fadhi saddex kursi ah ayayna camirteen, mid ka mid ah shaqaalihii Baarka oo isagu la socday dhaqdhaqaaqa dadka, isla markaana wiideynayay dadka ku soo kordha Baarka ayaa durba isa soo dul taagay, intuusan hadlinba Maxamuud ayaa Shaah iyo Caano noo keen ku caburiyay.
LA SOCO AXADDA KALE (INSHA ALLAAH)
W/D: C/RAXMAAN CUMAR (CAAQIL DALMAR)
caaqildalmar@hotmail.com
