|

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugidda dowladda KMG oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda dowladda KMG habeen hore lagu dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, iyadoo lagu aasay sarkaalkaasi shalay isla magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil dowladda ka tirsan, waxaana lagu magacaabi jiray sarkaalka la dilay Maxamed C/laahi Colaad {Fara-badan}, kaas oo uu dilkiisu geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG.

Saraakiil magacyadooda qariyey ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu ahaa nin aad ugu firfircoon howsha sirdoonka, isla markaasna aan la ogeyn sababta keentay in la dilo, iyadoo askarigii dilkiisa geystay ay u suuragashay inuu baxsado, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in la qabtaymarkii dambe.

“Fara-badan waxaa shalay lagu aasay Muqdisho” ayey yiraahdeen saraakiisha la hadlay warbaahinta, kuwaas oo diiday inaan magacyadoosa la sheegin sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay saxaafadda la hadlaan.sida ay yiraahdeen

Ma jiro war ka soo baxay dowladda KMG oo ku saabsan arrintan, waxaana dilka sarkaalkan uu imaanayaa iyadoo habeen hore  uu gubtay qeybo ka mid ah guri ay hay’adda nabadsugiddu ka daganeyd Muqdisho, halkaas oo laga maqlay rasaas, balse ay ku sheegeen saraakiishu inay aheyd mid ku keydsaneyd qolalka gubtay.

Dilka sarkaalka shalay la aasay ayaa imaanaya ka dib iyadoo 3-casho ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya, kaas oo ay dilkiisa ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Leave a Reply