|

Augustina Mahiga:- Somaliland waxay u qalantaa in la aqoonsado waayo waxay sameysay…

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu qalmo in la siiyo aqoonsi gooni goosadnimo ah, maadaama buu yiri ay Somaliland ka hana qaaday waxa uu ugu yeeray dumuqraadiyad curdan ah, taasi oo uu sheegay inay tusaale fiican u noqoneyso dowladaha Afrika oo dhan.

Mr. Mahiga waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyay shir lagaga hadlayey sidii ay Qaramada Midoobay iyo dalalka deeqaha bixiya Somaliland uga taageeri lahaayeen adkeynta nabadgelyada, la dagaalanka burcad badeeda iyo waxa loogu yeero argagixisada, kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday hoteelka Ambassador ee magaalada Hargaysa.

Ergaygu waxa uu qiray inuu Somaliland ka jiro nidaamka xisbiyada badan oo astaan u ah dimuqraadiyad, Somaliland-na ay tahay dal u qalma in xorriyad la siiyo, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Somaliland kama jiro keligii taliye ama digtaytor, Somaliland waxaa ka jirta dowlad uu xisbi xisbi kale si nabad geliyo ah ugu wareejiyay xilka iyadoo aanu wax dagaal ahi dhicin, Somaliland waxay tusaale fiican u tahay dalalka Afrika, sidaas darteed Somaliland waxay u qalantaa in la siiyo aqoonsi, waxaana rejaynayaa arrinta ictiraafku inay imaan doonto wakhtigeeda, Somaliland waxay u qalantaa in la taageero oo laga taageero dhinacyada dimuqraadiyada iyo amaanka”.

Augustina Mahiga waxa uu sheegay in dalal badan oo Afrika ah ay ka jiraan dawlo rayid ah iyo kuwo leh nidaamka xisbiyada badan, haddana marka ay doorasho dhacdo ka dib ay dhacaan dagaalo, isagoo xusay in arrintaasi ay tahay dhibaato weli ka jirta dalalka Afrika waxaanu uu yiri isagoo arrintaasi ka sii hadlaya “Hadda waxaynu heysanaa oo Afrika ka jira dowlado badan oo leh xisbiyo badan, laakiin marka ay doorasho dhacdo ka dib waxaa dhaca murano iyo dagaalo dhimasho sababa, taasina waa dhibaato weli ka jirta dalal badan oo Afrika ah”

“Amaanka Somaliland wuxuu qeyb ka yahay amaanka adduunka, Somaliland waxa ku yaala goobo istaraatiji ah oo ka istaraatijisan meelo kale oo badan oo adduunka kale ku yaala, markaa waxaynu oran karnaa Somaliland waxay heysaa amaanka dadka adduunka oo dhan, nabadgelyada iyo deganaanshaha geeska Afrika waxaa wada leh adduunka oo dhan, sidaas darteed waxaa waajib ah in la taageero Somaliland si ay u noqoto mid damaanad qaada nabadgeliyada gacanka iyo tan geeska intaba, taasina waa sababata aanu halkan shirka ugu qabanay si aanu Somaliland ugu raadino taageero caalami ah, si nabadgeliyada iyo deganaanshaha Somaliland uu u noqdo mid taam ah oo haga amaanka geeska afrika” ayuu yiri Mahiga.

1 Response for “Augustina Mahiga:- Somaliland waxay u qalantaa in la aqoonsado waayo waxay sameysay…”

  1. Osman says:

    Maamul wanaag (Good governance) iyo jiritaanka qarannimo iyo aayo ka talinta qoomiyadeed waa kala duwanyihiin.
    Qofka asagu isku qaldana waa qof aqoonta cilmiga siyaasadda(political science) aan waxba uga billoowneen.
    Arrimaha qarannimada iyo aayo katalinta qoomiyadeed waa arrimo xasaasi ah oo aad u dhib badan iskuna murugsan una baahan in si miyir qab ,caqli iyo fiiro dheeri, niyadsami iyo caddaalad ku dhisan oo xamaasad iyo nacayb ka fog lagu maareeyo loona soo dhiraandhiriyo.
    Haddii doorasho keliya gobol kasta ama qoomiyad kasta qaran madax bannan ku noqonayso ilaa lixdameeyadi dadka waqooyi bari Kenya ku nool ee Somaliyeed laba afti ayaa laga qaday oo ay ku dalbadeen inay ka go’aan Kenya intaasna doorashooyin ayaa ka dhacayay dimocratic ah maxaa u diiday inay qaran noqdaan.Tusaale ahaan beesha Ciise loo yaqaan dhawr sano kaddibba si xor ah ayay u kulmaan waxayna doortaan hogaan boqor ah oo si xor ah loo doorto waxayna leeyihiin xeerar ay si sax ah u dejisteen markaa ma waxaanu niraa ciise wa qaran madax banaan maadaama ay madaxdoodi si xor ah oo dimoqraadi ah u doorteen.
    Arrinka Somaliland anigu ma diidani inay go’do oo qaran madax bannan noqoto laakiin darriiqa saxa ah waa qaranki Somalia ee caalmka laga qorey oo xaduiudaha iyo qqarannimada madax bannan looga aqoonsaday caalmka oo qaybihiisu ka shiraan masiirka gobolkaas kadibna si nadiif ah oo is afgarad ah lagu saxiixo heshiis qaran oo u dhigma kii lixdanki midnimada labada gobol lagu saxiixday.taasna waxa xaqeeda iska leh umadda Somaliyeed ee waqooyi iyo koonfur. Ajnabina boos ugama bannana arrimaha qarannimada iyo siyaasadda gudaha ee Somalia.

Leave a Reply