|

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo lagu xiray magaalada Hargeysa iyo khilaaf xoogan oo ka dhashay arrinkaasi

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ay maalintii Khamiistii xabsiga dhigeen sarkaal sare oo la sheegay inuu ka tirsanyahay dowladda Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Somalida Itoobiya ee Kilinka shanaad. 

Sida warku sheegayo sarkaalka la xiray oo aysan hay’adaha ammaanka ee maamulkaSomalilandilla hadda  wax war ah ka soo saarin xarigiisa ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa madaarka uu ka soo degay, waxaana la sheegay inuu ka yimid dalka Mareykanka. 

Sarkaalkan la xiray oo ay wararka qaar sheegayaan inuu la taliye u yahay Madaxweynaha maamulka Kililka shanaad ayey ciidamada sirdoonka  Somaliland ku hayaan baaris la xiriirta ujeedada safarkiisa iyo weliba sababta uu Hargeysa uga soo degay waxa ay tahay, waxaana la sheegay in xarigga sarkaalkaasi uu khilaaf xoogan ka dhex abuuray maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya oo muddooyinkii dambe uu xiriirkoodu ahaa mid liita, ka dib markii la isku maandhaafay alaabooyinka ganacsi ee ay dowladda Itoobiya kala soo degto dekadda weyn ee magaalada Berbera. 

Sarkaalka ay xireen ciidamada sirdoonka maamulkaSomalilandee ka tirsan dowladda Itoobiya oo aan darajadiisa iyo magaciisa midna la sheegin ayaa la sheegay in ammaankiisa iyo goobta  lagu hayo si weyn loo adkeeyey, waxaana sidoo klae la sheegay inuu watay markii uu garoonka ka soo degayey baasaboor Itooobiyaan. 

Warar goor dambe oo xalay ah soo baxay ayaa waxay sheegayaan in sarkaalka ay ka soo horeeyeen fariimo, kuwaas oo aan aan la ogeyn sabata looga soo hormariyey iyo cidda ka soo hormarisay toona, waxaana la sheegay inuu haatan ku soco baaritaan, baaritaanka ka dibna lagu dhawaaqi doono sida laga yeelayo.

1 Response for “Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo lagu xiray magaalada Hargeysa iyo khilaaf xoogan oo ka dhashay arrinkaasi”

  1. Osman says:

    Ururka SNM marki uu hiilka ka doonanayay dawladda Itoobiya miyuusan ogeyn in ay jirto caalamka give and take oo aanay jirin qado bilaash ah qof bixiyaa.
    Itoobiya waxa ay aaminsantahay xukunki keligi taliska ahaa ee somalia inay ayadu ridday oo hubkeedi, dhaqaale ay fududeysey iyo ciidan ay soo tababartey lagu riday.
    Ayna tahay meel kasta oo ka tirsan dhulki la isku odhan jidhay Somalia ay tahay in iyada wax laga weydiiyo.
    Waxay sidoo kale aaminsantahay in iyadu ay xaq u leedhay in wixi danteeda ah aanay cidna ugu daba fadhiisanayn.hadday ahaan lahayd dekedaha, dhoofka iyo adeegyada kale iwm.
    Haddaba Somaliland oo aan weli aqoonsi helin haddii ay madaxa is daraan dalki loo aqoonsanaa inu soo koriyey oo xorriyaddiisa soo gadhsiiyey Somaliana aaminsantahay inay gobol fallagoobay yihin waloow xaaladda jidha aan hadda afka lagu ballaadhin. maxay haddaba tahay siyaasadda dibedda iyo gudaha ee Somaliland???

Leave a Reply