SHEEKH SHARIIF LABA DHIBCOOD
Xaaladda siyaasadda Soomaaliya ayaa u eg ama u muuqata ciyaar kubadda cagta ah oo isreebreeb ah, waayo haddii aan dib u qooraansano markii Madaxweyne Sheekh Shariif Madaxweyne loogu doortay dalka Jabuuti 31-dii bishii Janaayo sanadkii 2009-kii wuxuu siyaasadda ku soo galay ciyaar isreeb reeb ah, wuxuuna markasta ahaa nin xariif ku ah kulamada la isaga soo horjeedo, inkastoo uu taageero xoogan ku lahaa beesha calaamka, waana middaasi inuu horjooge ka noqday dagaalo siyaasadeed oo la isku riiqmay, waayo markii la dhisay isbaheysigii siyaasadda Casmaro wuxuu Sheekh Shariif kulankii ugu horeeyay siyaasadda uga adkaaday nin ay soo wada halgameen, kaas oo ah Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna ahaa xilligaasi nin aan kulamadasi aad ah looga aqoon hase yeeshee markiiba noqday shumac ka soo dhex baxay siyaasiyiin muddo ku soo gaamuray siyaasadda taas oo la yaab ku noqotay shacabka Soomaaliyeed.
Kulankii labaad Sheekh Shariif ee uu saftay waa kulankii uu kaga adkaaday siyaasadda waa siyaasigii rug cadaaga ahaa ee Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo isagu islahaa cid qori agtaada ka jabasan kartaa ma jirto, haddana waxaa lala ciyaarey ciyaar qabow oo Sheekh Shariif si fudud uu ku helay labadii dhibcood taas oo uu si aad uga fajacay Cabdulaahi Yuusuf, waxaana Sheekh Shariif u dhacay sacab fara badan, waxayna dadka qaar la haayeen war ciyaaryahankan halkee buu naga soo galay, waayo ma aha nin aan ku naqaanay garoomada, hase yeeshee nin baa ku qayliyey “Waa nin la bootiyey waayo uma soo ciyaarin kooxaha eerka sadexaad iyo herka labaad durba wuxuu noqday nin horay laga geeyay kooxaha heerka koowaad marka waa nin taageero ka heysta beesha caalamka marka ma aha nin loo dhawaan karo” .
Madaxweyne Sheekh Shariif halkii buu ka sii watay dibirada uu u geysanayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda, wuxuuna kulankii seddexaad ciiyaar aan waqti badan socon la yeeshay Nuur Cadde oo hamiga uga jiray kurisga Madaxweyninimada, waayo tartan buu la galay hase yeeshee Nuur Cadde ayaa afka labadii yeeray, wuxxuu sheegay inuusan wadi karin ciyaarta sidii buu uga baxay iyadoo taageerayaashiisu ay aad ula yaabanyihiin, waxayna qaarkood ay lahaayeen “War Maxaa kuugu dhacay oo aad ciyaarta uga soo baxday “Markasuu yiri “Wax ma ogadiin garsooraha xittaa waa mid hore loola soo hadlay ama bagaato ah marka waa igu adkaatay inaan sii wato ciyaarta.
Kulankii afaraad ee uu Sheekh Shariif uu saftay waa kulankii uu la yeeshay Sheekh Aadan Madoobe oo xilligaas ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu tilmaamay mid aad u adkaa, waayo waxaa Sheekh Aadan Madoobe isugu tagay labada Shariif, waxayna ku soo heshiiyeen haddii ay ka takhalusaan Sheekh Aadan Madoobe in muddo ay sii ciyaari karaan, isla markaasna ay noqodaan kuwo aan marnaba la soo haweysan gaar ahaan horyaalinimada siyaasadda, waxay galeen xaaladda farxad ay ku dheehan tahay, waxayna ku heshiiyeen in sanad kasta ay qaataan koobka horyaalka.
Intii ay guda jireen siyaasadda ayaa waxaa meel dhex uga soo dusay Ra’isul wasaarihii hore Cumar Cabdi rashiid, waana kulankii shanaad ka dib markiiba inta isku farjawiyeen ama isku iljrbiyeen ayaa ciyaar qabow lala ciyaaray, waxaana Cumar Cabdirashiid intii ciyaarta socotay lagala daalay feer jilib inta dawakhay buu yiri “Waan ka baxay ciyaarta sidaas ayuu Sheekh Shariif uga takhalusay isagoo wareesan buu iska caraabay, waxaana moodaa in Sheekh Shariif uu helay ciyaaryahan khadka dhexe u toosiya, waana Shariif Xasan waayo wuxuu noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka, koooxda Sheekh Shariif halkii bay ka sii wateen kulamadoodii, iyagoo aad moodid cid u soo dhawaan karta inaysan jirin maadaama ay Badda cabsiiyeen ciyaaryahano muddo ku soo dhex jiray ciyaaraha.
Kulankii lixaad ayaa waxaa la dhihi karaa waa kii ugu adkaa ee soo mara labada Shariif, waayo waxaa ciyaaraha ku soo biiray nin aan la aqoon meel uu ka yimid waa Maxamed C/laahi Maxamed {Farmaajo} oo isagu taageero ka helay shacabka markiiba labada Shariif waaga ayaa ku baryey, waxay bilaabeen sidii ay uga takhalusi lahaayeen,waxayna la yaabeen ninkan halka uu ku daabanyahay wax la isku xiiqo oo la is hardiyo ciyaartii Sheekh Shariif iyo saaxiibkiis waa ku adkaatay waxay garan waayeen sida ay yeeli doonaan taageerayaashaan faraha badan ee isugu soo baxay wadooyinka Muqdisho, hase yeeshee ciyaaryahan Farmaajo ayaa gool lama filaan ah ka dhaliyey labada Shariif ka dib markiiba waaga ayaa ku baryey balse qululub ayey geliyeen goolkii, waxaana la joojiyey ciyaartii ka dib markii laga wadi waayey labada Shariif, inkastoo labada Shariif ay isu muujiyeen cadaawad haddana waxaa uga weynaa sidii ay meesha uga saari lahaayeen Farmaajo oo ciyaar wanaag la ciyaaray, kana ciyaar fiicnaaday, waxaana la isugu tagay garoon ku yaala magaalada Kampala ee dalka Yugandha si wax laga yiraahdo ciyaartaasi, waxaana aakhirkii la go’aamiyey in ciyaaryahan Farmaajo gebi ahaanba in ciyaaraha laga joojiyo, waxayna arrintaasi u cuntami weyday taageerayaasha faraha badan ee Farmaajo, balse markii dambe iska quustay sidii ay waddooyinka u dhoobnaayeen, waxaana la arkayey labada Shariif oo si hoose isula hadlaya oo leh “War kan waaba na gilgilay ee waa Ilaah mahaddii haddii uu mar na dhaafiyey, ma aragtay sidaan u galay ee farsamamada badan haddii aan sidaas yeeli laheyn oo aan isku il jebin laheyn laf dhuungashay buu nagu noqon lahaa”.
Iyagoo faraxsan bay halkii ka sii wateen kulamadii hadaba maxaa dhacay markii Sheekh Shariif uu is yiri “Walee masraxa waa laguugu heystaa ee waan inaad Shariif Xasan meesha ka saartaa” taas oo aadan sameyn waa loo yaabaa kabtannimadaada, Sheekh Shariif wuxuu guubaabiyey ciyaaryahanadii kale ee taagersanaa, waxaana bilowday kacdoon hoose, waa garan waayey Shariif Xasan halka laga jiro, wuxuu is adkeeyaba waxaa helay rag xariifiin ah oo markii dambe meesha ka saaray Shariif Xasan, inkastoo weli uu gebi ka laalaado haddana Sheekh Shariif wuxuu Ilaah ka baryayaa inuu mar kan dhaafiyo, waxaana muuqda Shariif Xasan uu hadba meel u cararayo, hase yeeshee ragga ciyaaraha siyaasadda u kuurgala waxay leeyihiin way adag tahay inuu dib ugu soo laabto Shariif Xasan garoonka kubadda cagta, inkastoo uu dacwad u gudbiyey Maxkamadda sare haddana waa nin kursigiisii loo yimid, wallow ay nafta xaraarug ku tahay, hase yeeshe wuxuu il tabar yar uu ku eegayaa Maxkamadda iyo beesha caalamka, iyadoo ragga siyaasadda lafa gura ay leeyihii waxay Shariif Xasan arrintiisu u eg tahay garsoore gool hiririg ah ku dhashay oo la ansaxiyey, ayna adagtahay si looga laabto .
Isku soo wada-duuboo waxaa masraxa siyaasadda ku soo haray Sheekh Shariif oo siyaasadda uga soo adkaaday siyaasiyiin caan ah oo uu ugu horeeyo saaxiibkiisii hore Sheekh Xasan Daahir Aweys, Col. C/laahi Yuusuf Axmed, Nuur Xasan Xuseen {Nuur-cadde}, Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Sheekh Madoobe}, Cumar Cabdirashiid, Maxamed C/laahi Maxamed {Faramaajo} iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna Soomaalida tiraahdaa La hel, la hel la waa ayaa u dambeysa” labadda dhibcood markasta la heli mayo, hadaba la arki doonee halka uu ku dambeeyo xaalka Sheekh Shariif iyo halka uu ku dambeeyo kursigiisa.
AFEEF GAAR AH : Aragtida Qoraalkani kama tarjumayo aragtida Shabakadda www.Aarannews.com ee waxa ay u gaar tahay qoraaga maqaalkani.
Waxaa Diyaariyey:- Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
