|

AUGUSTINE MAHIGA WEYDIIYA?!!

Baarlamanka dowladda KMG ayaa waxa uu maalmahan dul hoganaya daruuro su’aalo ah oo ku qotoma qaabka uu Baarlamanku u shaqeeyo gaar ahaan dhanka awooddiisa sharciga ah iyo madax banaanidiisa oo si isa soo tareysa dood loogu geliyay wax lagu sheegay Kampala Accord oo ah wax lagu soo liqay magaalada Kampala, kaas oo si toos ah madax banaanidii dalka faraha looga bixiyey, loona tiriyey Mahiga inuu dalka gumeysi geliyo.

 Hadaba iyadoo lala yaabanaa waxa loogu yeero Road Map-ka Mahiga keenay oo aan la fahamsaneyn hal beegiisa, ma qaab maamul goboleed baa la raacay? oo haddii la raacay aaway maamul goboleedyadii,? ma qaab beeleed baa la raacay? oo haddii ay sidaasi tahay aaway odayadii beeluhu? ma qaab ururada dalka ka jira ku dhisaalan baa la raacay? oo haddii uu xaalku sidaas yahay aaway ururadii?.

 Su’aalahaas oo dhan oo aan jawaab loo heynin, lalana jahwareersanyahay ayaa waxaa fowdo bilaabay Xildhibaanada Baarlamanka oo markan ujeedkiisu uusan aheyn badbaadin shacab, balse badbaadin xil ah, waayo haddii ay sida tahay waxay marhore diidi lahaayeen heshiiskii xaqdarada ahaa ee Kampala Accord lagu sheegay, laakiin markii ay dareemeen in xilkoodu halis ku jiro ayey bilaabeen buuq iyo fowdo, maadaama xubnaha Baarlamanka la dhimayo sida uu qabo heshiiska Mahiga, laakiin uusan qabin kan dalka u degsan ayaa waxaa khasab noqotay inay xittaa feertamaan oo gacan ka hadal uu ka dhaco xaruntii Baarlamaanka oo aheyd gole nabadeed oo Soomaaliya looga arrimiyo.

 Si kastoo xaal yahayba Baarlamankii ayaa xilkii kaa xayuubiywy Shariif Xasan , waxaa hadaba cajiib noqotay in la leeyahay IGAD iyo Beesha Caalamku {Interventional Community} raali maka yihiin tillaabada Baarlamanku qaaday, iyadoo qaar ka tirsan madaxda sare ee dowladduna ay bilaabeen inay af jigaan Baarlamaanka, iyagoo ilaashanaya dano gaar ah.

 Waxaa kale oo la yaab leh warar sheegaya in Ra’isul wasaaruhu Baarlamanka la waydiiyey sidii uu Baarlamanku ku heli lahaayeen furaha Golaha shacabka, taas oo muujineysa inaysan wax kastaahi sidii loo baahnaa u shaqeeyneynin, waayo Baarlamaanku waa inuusan waaxda fulinta iyo cid kasta oo kale u hoos fariisanin gudashada howlihiisa dastuuriga ah, waxaa kale oo cajiib ah in markii xilkan la isku heysto laga qaadayey Guddoomiyihii hore ee Sheekh Madoobe in lagu wada qanacsanaa, laakiin hadda la leeyahay waa sharci darro, hadaba haddii in Shariif xilka laga qaado ay sharci darro tahay inuu xilkan qabtana waa sharci darro kale, waayo wuxuu ku yimid sida haatan lagu bixiyey oo kale, iyadoo si fowdo ah xilka looga qaaday Aadan Madoobe ayuu kursiga ku fariistay.

 Waxaa kale oo cajiib ah in gobol ka tirsan dalka Soomaaliya uu yiraahdo ma aqoonsanin go’aanka Baarlamaanka uu gaaray, waa yaabe go’aanka Baarlamanku ma tira cod dheeri ah ayuu ku hirgalaa mise aqoonsi gobol ayuu ku shaqeeyaa?, waxaa kale oo cajiib ah in intaan inagii is maqli weyno aan adeecno waxyaabaha ay noo yeeriyaan ashkhaas iyo dalal aysan aheyn inay aayeheena lug ku yeeshaan sida kuwa deriska ah iyo Mahiga oo markii uu arkay sida ay Soomaalidu faraha iskugu taagtaageyso ee ay beylahda u tahay iska raariday inaysan dadkani aheyn kuwo u sii ridan sidii laga rabay.

 Waxaa kale oo ashqaraar leh in nidaamka dimuqraadiyadda wanaagsan iyo madax banaanida dalkeenuba aysan waafaqsaneyn in go’aanada aayeheena la weydiiyo ama looga dambeeyo dalal kale, kuwaas oo inta ay dowladdu isku foogantahay iyaguna hoosta ka fagaya xididada qaranimada Soomaaliyeed, waxaa kale oo amakaag iyo af kala qaad ah in marka aan inagu is aragno aan leenahay qab iyo isla weynin qolo qolo ku dhisan, laakiin marka aan dibadda eegno aan noqono dad liita oo bahdilan oo weji xayeysi ah leh, kuwaas oo aan dantooda ka cadeysan karin fagaaraha caalamiga ah bal eeg sida naloo ihaaneystey. 

Guntii iyo gebagabagebadii si kastaba ha ahaatee aayaha Soomaaliya waxaa iska leh Ummadda Soomaaliyeed, maantana waxaa si un u metela waxa uu doono ha ahaadee Baarlamanka KMG Soomaaliya  ee fadlan inta isku xishootaan xildhibaanow iska daaya inaad aayihiina weydiisaan nin aan u dhalan dalka Soomaaliya,  oo haddii uu idin marin karo aan mir idinka reebeen.

AFEEF GAAR AH : Aragtida Qoraalkani kama tarjumayo aragtida Shabakadda www.Aarannews.com ee waxa ay u gaar tahay qoraaga maqaalkani.

Waxaa qoray Maqaalkan :- MAXAMED XAAJI  XUSEEN RAAGE

maxaaji@hotmail.com

Leave a Reply