|

GULUFKA XILDHIBAANADA, GAATINTA SHARIIF XASAN IYO GAABISKA DUNIDA!!

Shaki kuma jiro in hardan adagi uu ka dhex socdo Baarlamaanka KMG Soomaaliya, cadeyn uma baahna in madaxa la iskula jiro, waa marag ma doonto in la ismari la’yahay, haddana markaad eegto sida wax u dhacayaan, kulamada isdaba joogga ah iyo kooxeysiga karaar qaatay, waa hubaal inay wax soo higleeyihiin.

 Sidii xilka looga qaaday Shariif Xasan 13-kii bishii Decembre, waxaa soo badanaya cododka xildhibaannada haldheerida u dhahaya “Dooni maynno Shariif”, runtii dhawaq ku cusub dhagaha Soomaalida, dadka qaar ayaa dhakfaar ka qaaday, qaarna dheeldheel iyo riwaayad maalmeed ayeyba la tahay, balse hubaal in 13-kii december wax ka badashay cududda siyaasadeed ee ka jirta Xamar, ama xoogsatada haysay xilalka ugu sarreeya ee dawladda damman.

 Waa markii labaad ee xilka Guddoonka Baarlamaanka laga qaadayo Shariif Xasan, maahmaah ayaa oraneysa: “Mar i dagi Alla ha dago, mar labaad i dagase anaa is dagay”, tii hore haddii khilaaf iyo muran kala dhexeeyay C/laahi Yuusuf, maanta naceyb kama marna ayaa la dhihi karaa, ha ahaato dadweynaha caadiga ah iyo xildhibaanadaba, haddana wuu garan waayey wax wanaaji ama meesha isaga tag, tunka ayaase la qabtay oo waa la tatajiyey Shariif Xasan, waa sida ay xildhibaanada ka soo horjeeda ku doodayaane.

 Markii la sheegay in xilka laga qaaday ee uu dalka dib ugu soo laabtay Shariif Xasan wuxuu ku gacan seyray in xilka laga qaaday, siduu markii horaba isugu dhajiyey ayuu haddana isugu nabay, kuma ekaysan ee wuxuu ka qeybgalay shirkii Garoowe, isagoo waliba huwan magaca Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, shirkaas oo aan ka qornay faaladii aheyd Shirka Garoowe gogol shabaqa iyo gar shiilan, hadaba ma sharcibaa nin Guddoonkiisa muran ku jiro inuu shirka ka qeybgalo?.

 Inta aan jawaabta u dhaadhicin aan soo gudbiyo arrin kale oo la is dhihi karo waxay la mid tahay midda Shariif Xasan, waa xil ka qaadista mudane Caalin ee Galmudug, hubaal in xilka laga qaaday Caalin, waliba laba kol oo is xigta muddo gaaban, basle Maxkamadda sare ayaa xukmisay inuu xilka sii hayo, dabcan si aysan u dhicin bannaan siyaasadeed, taas oo muhiim u ah jiritaanka maamulka iyo maareynta gobolka.

 Tan Sharif Xasan waa ka duwantahay midda Caalin, Shariif Xasan wuxuu isku darsaday laba arrin oo kala ah diidmo inuu u hogaansamo xil ka qaadista, iyo inuu afduub ama xoog ku hesto xilka Guddoomiyenimada, weliba ku metalo shirar xasaasi ah oo looga arrinsanayo aayaha Ummadda Soomaaliyeed, halka Caalin uusan ka biyadiidin go’aankii xilka looga qaaday, ama ugu yaraan midka Maxkamadda sare, uuna xilka u siiyo hayo ku sime, inta laga baxayo marxaladda kala guurka ah.

 Dhanka kale hadduu ka dhaga furatstay baaqyadii Xidhibaanadu u jeedinayeen, maxay tallaabo ah oo ay qaadeen? dhankooda waxay sii wateen kulamo lagu sii lafagurayo xal u helidda Guddoonka Baarlamaanka, waxay isku raaceen Gudoomiye sii haga fadhiyada Baarlamaanka, inta laga dooranayo Guddoon cusub, feer iyo faralaab ayaaba ka dhacay, ujeedku ahaa in qas iyo qalalaase laga abuuro kulanka, si aan waxba u qabsoomin, balse sidaas ma noqon, hadduu dhiig daatay ayeyse quusteen.

 xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan waxay la kulmeed Guddi ka socday dunida oo uu mugdi uga jiray sida wax u dheceen, waxay u qeexen in xil ka qaadistu u dhacday si xalaal ah, waxay farta ka saareen cajal Video ah oo laga duubay kulankii xil ka qaadista, waa meesha farta lagu godayo inay sababtay dilkii Wariye Xiis, maadama shaki la galiyey tirada ka soo qeybgashay, sida wax u dheceen iyo qaabka loo codeeyay.

Kulankaas ka dib waxaa la soo saaray warmurtiyeed aan naf buuran laheyn, warsafadeed lagu sheegay in beesha caalamku ka soo saartay Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xildhibaanadu waa inay raacaan waqti kordhinta Baarlmaanka” oo ah in wax walba sidii hore ahaadaan, si loo ilaalsho xaaladda adag ee dalku marayo, lana hirgeliyo shirkii Kampala, meeshana ha ka saarin in meelmariyo Road map-ka, dadkayguse mid ha ogaado, wareerkan taagan iyo walaahoodkan dhacaya, waxaa ka dambeeya dunida oo hadba mid waalan madaxa noogu soo duubaya.

 Hadalka biya dhiciisu waa Shariif Xasan meeshiisa ha loo daayo, micnaha waxbakamajiraan go’aankii ay gaareen 300 ee xildhibaan, taas oo ka dhigeysa inay ahaayeen rag waalan ee ha la qaato ninka fayow warkiisa waa Shariif Xasan, yaabka ma ila aragteen? waa meeshii laga yiri “Wadar iyo Waaxid yaa waalan?”, ama ninkii yaabay ka yiri “Hasho maankeyga gaddaye ma masaarbay liqday?!”, waxay noqotaba, waa hala haysto gudoomiye Shariif Xasan

 Warkaas uma cuntamin raggii xilka ka qaaday Shariif Xasan, waxay sii wateen kulamadoodii, Xildhibaanadu waxay isku dhaarsadeen in horay loo sii wado howsha, si loo fuliyo qorshihii lagu heshiiyey, {Muxuuse yahay? cidna garan meyso}, lana hirgeliyo waxay ku sheegeen Road map-ka, waa sida ay hadalka u dhigeen, malaha waxay ku beerlaxawsanayaan Mahiga IGAD iyo beesha caalamka, ma yaan lagaa galgal badinbaa? mise yaan lagaa galiin badin? miday noqotaba, silaanta ayaa loo tartamayaa.

 Waxaa Garoowe laga iclaamiyey inaan golaha Shacabka lagu shiri karin, sidaas waxaa yiri wasiirka arrimaha gudaha, malaha dhegta ayaa wax loogu sheegay, yaab, dad dhahaya xilkeena ayaan gudanaynaa oo la leeyahay ma gudan kartaan, idinku ma aragteen? haddana horistaagga ceynkaas ah ka imaanaya mas’uulka ugu sareeya wasaaradda arrimaha gudaha, waa taxaddigii labaad ee ka hor yimid xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan, marka laga soo tago fowdadii feerka, iyana gaashaanka ayey u daruureen.

 Waaba iga su’aale raggu xaniyahan xagay ka heleen? mayee ragannimadan yaa ugu deeqay? mise wax gaar ah ayey ogyihiin? malaha heesihii qaylo-dhaan ayaa qiiro galiyey? oo boorka ayey iska jafayaan, la arki doonee meesha ay wax gaarsiin, balse waxay u muuqdaan rag dhiiran una caddahay inay yool gaaran oo ah in arrintu ku dhamaato sida ay iyagu u qoondeeyeen, dabcan ayna leeyihiin sharciga ayey waafaqsan tahay.

 Su’aasha weyn ee meesha taalaa waxay tahay dastuurka iyo xeerhoosadka Baarlamaanku maxay ka qabaan xil ka qaadista Shariif Xasan? qareenada iyo sharci yaqaannadu waxay hoosta a xarriiqeen in habka wax u dheceen sharciga ay waafaqsanyihiin, midna waa inay dadkeygu fahmaan, tiradii dooratay Shariif Xasan waxay aheyd 217-xildhibaan, waxaana xilka ka qaaday sida Xildhbaandu sheegeen hadda, 280-mudane, ila eeg farqiga tirada, hadaba muxuu jagada iskugu dhejinayaa, Malaga gardaranyahay? ma tiradaa qalad a?, ma jago jacaylbaa,

 Sidii labada Shariif Kampala Accord ay isula meel dhigeen inay xilalka loo kordhiyo dhamaan DKM ayaa Madaxweyne Shariif bilaabay inuu u kala dabqaado Shariif Xasan iyo Xildhibaanada kale, laba kulan ayaa lagu kala dareeray oo aan waxba ka soo bixin, maadaama Madaweyne Shariif ku adkeystay in wadaygiis Shariif Xasan Sheekh Aadan aan xil ka qaadistiisa loo marin waddo sharci ah sida uu isagu sheegay, taas oo dhankooda Xildhibaanadu gaashaankaa u daruureen

Leave a Reply