|

Gen. Galaal oo warbixin ka diyaariyay ladagaalanka Burcad badeeda

                                                                                                                                                                        Ka sifeynta burcad badeedda xeebaha Soomaaliya

Burcad badeedda Soomaaliya, waa argagaxiso badeed si sahlan ku bilaabatey, eelkeeduna yaraa, haddase noqotey meel ay Adduunkii oo dhan ka qaylisiisay. Waxey ugaarsi xirfadaysan ku sameeyaan surimada badda Khaliijka Cadmeed, iyo Badweynta Hindiya.

Waxay awood u yeesheen iney tobannaan markab, iyo boqolaal shaqaalihii saarnaa ah ay soo qafaashaan, kana qaataan tobanaan Milyan oo Dollar.

Hadda, Burcad Badeednimadii waxey noqotay shaqo, si fudud looga hodmo, sidaas daraadeedna waxaa kusoo biiray khubaro caalami ah, oo meelo istaraatiijig ah ka hoggaamiya Burcad Badeedda Soomaalida. Waxaan rumeysanahay in Xoogagga la dagaallanka Burcad Badeeddu ay ka leex leexanayaan, is moogey siinayaan ama indhaha ka qarsanayaan dhagahana ka fureysanayaan.

Khubarada ajnabiga ahi, waxey Burcad Badeedda Soomaalida kula xiriiraan isgaarsiinta raadiyaha ah. Marka suura gal ma aha in Xoogagga la dagaallanku aysan dhageysan, ayna maqlin.

XAGGEE KA ASKUNTAY BURCAD BADEEDDU.?

Jaha wareer iyo maangad ayaa ka jira, sida iyo sababaha ay Burcad Badeedda Soomaalidu ku billaabatay, hase yeeshee aragtida runta ugu dhow waxey sheegeysaa in kooxdii ugu horeysay ay ahayd dhalin yaro fac ka fac mihnaddooda aheyd kaluumeysato, oo ay dhibaato weyni kala soo daristay shaqadoodii, sababtoo ah:

1- Maraakiib waa weyn, oo kaluumeysato ah oo shisheeye ah ayaa baddii xoog uga soo saaray, agabkii jilaabashadana ka burburiyey.

2- Qalabka warbaahinta caalamka, ayaa si balaaran oo ku cel celis ah u baahiyey in dowladaha horay u maray ay wasaqdii haraadiga ahayd, ee warshadahoodda “Nuclier”-ka ku daadiyeen kuna aaseen Badaha iyo berriga Soomaaliya, kalluun-kiina uu sumoobay, ciddii cuntaahina ay ku sumoobeyso.

In haraadigii “Nucliear”-ka ahaa lagu aasay Badaha iyo Berriga Soomaaliya waa run, laakiin waa been in kalluunkii sumoobay, waxaase horey loo yiri “Been fakatey, runi ma gaarto.”. Sidaas daraadeed ayey kalluumeysatadii suuq ugu weyday wixii yaraa ee ay soo jillaabteen.

Arrintaasi waxey ciriiri galisay noloshii kalluumeysatada, iyo tii qoysas koodiiba. Waxey sheegeen in labadaas dhibaato oo noloshoodii baabi’isay uu Adduun-weynuhu mas’uul ka yahay.

Markay dareemeen in noloshoodii iyo xirfaddoodiiba la baabi’iyey ayay go’aan sadeen inay helaan qaab kale oo ay noloshoodii kumaareeyaan: BURCAD BADEED. Waxay ku andacoonayaan in haddii nabaddoodii iyo noloshoodii la burburiyey ay habboon tahay in dhibaatada haysata lawada dareemo, oo qaraar keedana la wada dhadhamiyo. Burcad Badeed-nimadu waxay noqotay shaqo khatar badan, laakiin faa’iido u leh burcad badeedda iyo khubarada ajnabiga ah.

SIDII LOOLA DAGAALAMI LAHAA BURCAD BADEEDDA SOOMAALIDA

Maraakiib dagaal oo ka kala yimid shanta Qaraadood ee Dunida ayaa kusoo ururay Xeebaha Soomaaliya, ee Quuriga Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Ujeedadu waxay ahayd inay Burcad Badeedda ka sifeeyaan Xeebaha Soomaaliya, hase yeeshee waxba sooma kordhin, waxaa la moodaa in ciidamadaani aysan u diyaar-sanayn inay la dagaalamaan cadow Burcad Badeed.

Burcad Badeeddu waa nooc cusub oo shaabaha dagaalka Guwariliyada birriga, sababtoo ah toban, toban ayay u socdaan, waxayna wataan doonyo yar yar oo kalluumeysiga Xeebaha ah, oo dhirir koodu yahay 8m, balar kooduna 3m matoorkuna dhinac ka laalaado, haddana 1,000 mile badaha gudaha u galaya.

Dabeecadda kale ee Burcad Badeeddu leedahay, waxaa kamid ah inay madaxa Badda kula jirto, lugahana birriga kula jirto. Markay dareemaan khatar uga imaanaysa xagga Badda, berriga ayey dib uggu gurtaan. Alshabaab iyo Burcad Badeedda waxaa ka dhaxeeya isbaheysi, oo wixii kuwa Danbe ay Badda kasoo helaan, kuwo Hore ay qayb ku leeyihiin, ayaguna waxay ballan qaadeen inaan kuwa Danbe marna berriga laga soo weerarin.

Ilaa iyo hadda, dagaalka waxaa si toos ah ugu jirey 28 Crises oo kasoo duulay shanta Qaaradood, Soomaaliduna kuma lahayn kaalin muuqata, marka laga reebo hadal badan oo faaruq ah, ujeedadiisuna tahay in lacag lagu helo. Muddo dheer, ayaa qaabkaaas lagula dagaalamayey Burcad Badeedda Soomaalida, natiijadiina waxay noqotay midda aynu maanta og nahay.

Haddaba, waxaa ila habboon in dagaalka la Soomaaliyeeyo, Beesha Caalamkuna ay bixiso kaalmo qalab iyo farsamo “Technical and material assistant”. Inkasta oon dareemayo in maamulada ka jira Soomaaliya, aysan badiddoodu soo dhaweyneyn Hawl-wadeenadii dowladii hore, ee uu hoggaaminayey Gen. Maxamed Siyaad Barre, haddana waa lagama maarmaan in la abaabulo qeyb kamid ah Ciidankii Badda iyo kii Dhulka, ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, si dalka looga xoreeyo Burcad Badeedda, argagaxisada Alshabaab iyo Alqaacida.

Waxaan soo jeedinayaa in Ciidankii Badda laga abaabulo:

1- Talis kooban, oo hawl gelin ah, taliyana looga dhigo Gaashaanle Sare Faarax Gurxan, oo ah Abbaan-duulihii u danbeeyey ee ciidankii Badda Soomaaliyeed, saldhigiisuna noqdo Muqdisho.

2- Raxan Xeeb Ilaaliye-yaal ah, oo xaruntoodu tahay Muqdisho, iyo Raxan kale oo xaruntoodu tahay Boosaaso. Raxantu waxay ka kooban tahay saddex Xeeb Ilaaliye, iyo hal Dajiye dhexe. Raxanta koowaad in Taliye looga dhigo G/le Sare Nuur Xuseen “Nuur Taqsiin”. Taliyaha Raxanta labaad, in loo helo Sargaal aqoon sare leh, una dhashay deegaanka Puntland.

3- Horin Dillaaxiin “Marines” ah, oo xarunteedu tahay Muqdisho, Dhamaan ciidamadaasi waa inay ka tirsanaadaan Ciidankii hore ee Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

4- Laba dayuuradood, oo ah kuwa yar yar oo hal matoor leh “Turbo Eric”, oo loo isticmaalo sahanka Badda iyo Berriga. Mid kamid ah waxaa saldhigeedu ahaanayaa Xamar, mida kalana Boosaaso. Waxey isticmaali doonaan garoomada dayuuradaha ee Xamar iyo Guriceel, Boosaaso iyo Caluula.

Waxaa loo baahan yahay in Gobolada Dhexe laga abaabulo, saddex “Mobile groups”, oo tiradooda guud ay tahay laba kun, lix boqol iyo toban “2,610”, oo wata Hubka fudud, Gawaarida Gaashaaman, iyo Horimo Hoobiye ah.

Sababtu waxa weeye Burcad Badeedda waxaa berriga ka daafaca argagaxisada Alshabaab. Sidaas daraadeed, waxaa loo baahan yahay in isbaheysigaas sheydaan isku mar laga weeraro Badda iyo Berriga ee Gobolada Dhexe, min Hobyo ilaa iyo Cadale, iyo Min Cabudwaaq ilaa Ceel Cirfiid. Ciidanka dhulka ee kor kuxusan, waxaa taliye looga dhigi karaa Gaashaanle Sare Cabdulaahi Cagey.

QAABKA HAWLGALKA CIIDAMADA

Markii ay abaabulka Ciidamada iyo diyaar-garowga dagaalka dhamaadaan, ayaa maalinta D1, Raxanta koowaad ee Ciidanka Baddu kasoo dhaqaaqayaa Muqdisho, wuxuuna weerarka Burcad Badeedda kabilaabayaa Xeebta Cadale ilaa Hobyo. Isla maalintaas ayaa ciidanka koowaad ee “Mobile group”, wuxuu weerar ku qaadayaa Argagaxisada Alshabaab, ee jahada Dhuusa-Mareeb, Gadoon iyo Xaradheere, wuxuuna Argagaxisada Alqaacida iyo Alshabaab, ka baabi’inayaa deegaanka u dhaxeeya Dhuusa Mareeb iyo Xaradheere, isla markaasna Burcad Badeedda ka sifeynayaa deegaanka Xaradheere iyo Xeebta Gaan.

Isla maalintaas Ciidanka labaad ee “Mobile group”, wuxuu weerar ku qaadayaa Argagaxisada kusugan jiidda u dhaxeysa Dhuusa Mareeb iyo Ceelbuur, wuxuuna burburinayaa cadowga kusugan Bulacle “God dhurwaa”, Ceel Lahelay, Ceel Garas, Ceel Qooxle iyo Ceelbuur, wuxuuna qabsanayaa magaalada Ceelbuur.

Isla maalinta D1, Ciidanka saddexaad ee ‘Mobile group”, wuxuu u faltamayaa jahada Matabaan, Maxaas, iyo Buulo Burde, wuxuu burburinayaa cadowga ku jira Maxaas iyo Buulo Burde, wuxuuna qabsanayaa Buundada Buula Barde.

Markii la sugo, qabashada Xaradheere iyo xeebta Gaan, Ceelbuur iyo Buulo Burde, oo la ogaado xaaladda dhabta ah ee cadowgu, ayaa la qorsheynayaa hawlgalka wajigiisa labaad, oo lagu gaba-gabeynayo burburinta Burcad Badeedda Soomaaliyeed, iyo Argagaxisada Alshabaab, iyo ka xoreynta cadowgaas ee gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe. Markii la xaqiijiyo xoreynta saddexdaas Gobol, in waxgaradka Goboladaas shir loogu qabto magaalada Jowhar, si ay uga wada tashtaan sidii ay isu raaci lahaayeen, oo ay u noqon lahaayeen Gobol weyn oo madax banaan, oo hoos taga dowladda dhexe, “Central Autonomous Region”.

DHAQAN CELINTA BURCAD BADEEDDA

Markii lasoo gunaanado la dagaalanka Burcad Badeedda, waxaa loo baahan yahay in Dhaqan Celin loo sameeyo, ku saleysan rabitaan-koodda. Aragtideyda shaqsiga ah, dhaqan gelinta waxaa loo sameyn karaa sida soo socota.

1- In shaqsiyaadkii kaluumeysatada ahaan jirey dib loogu celiyo Xirfad- doodii, loona helo agabka jilaabashada, sida doonyihii, shabaakadihii, suuqii ay geyn lahaayeen, qaboojiyayaashii iyo gaadiidkii ay ku suuq geyn lahaayeen.

2- Kuwii Beeraaleyda ahaan jirey, in la siiyo dhul ay beertaan, abuurkii miraha ay beeran lahaayeen iyo agabkii ay beeraha ku falan lahaayeen, iyo in la baro farsamada cusub ee beerashada.

3- Shaqsiyaadkii hanti haysta, ee doonaya inay ganacsadaan in loo oggolaado. Kuwii diida inay ku biiraan saddexdaas qaybood in la sii daayo, laakiin dabagal joogta ah lagu sameeyo.

4- Kuwa ku jira Xabsiyada Dalka iyo Dibadda, in cafis loo fidiyo wixii aan aheyn gacan ku dhiigle. Kuwa dibadda kuxiran in loosoo dhoofiyo dalkooda.

Si loogu guuleysto Dhaqan Celinta Burcad Badeedda, waxaa ila haboon in lasoo nooleeyo siyaasaddii aheyd “Dan wadaagaha”, oo loo sameeyey hadda ka hor dadkii ku ceyrtoobay abaartii Daba Dheer 1974-tii. Arrintaas waxaa looga faa’iideyn karaa Dadka ku Ceyr toobay abaartii dhaweyd.

Beesha Caalamka, waxaa laga codsanayaa inay soo qabtaan oona sharciga hor geeyaan shaqsiyaadka ajnabiga ah, ee Burcad Badeedda ka hagayey dibadda, haddii kale dhaqan xumadooda ayey sii wadi doonaan.

Xigasho:somaliradio.net

Leave a Reply