|

Madaxweyne Sheekh Sharriif:- Sida uu qabo shirkii Garoowe Baarlamaanka cusub, waxaa lagu xiray shuruudo

Madaxweyaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka hadlayey xaflad loo qabtay sedex-sano guuradii ka soo wareegatay markii uu xukunka dowladda KMG la wareegay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalada ka socda Soomaliya iyo Buuhoodle, khilaafka ka dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka iyo tabashada maamulka Somaliland iyo arrimo kale oo badan.

 Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn sheegay in intii ay dowladdiisu jirtay ay wax badan qaatay, inkastoo uu qiray inaysan qaban waxyaabihii looga baahnaa, wuxuuna intaasi ku daray in sanadkan uu uga fiicanyahay labadii sano ee la soo dhaafay oo uu sheegay inay dib u dhacweyn la kulmeen, taa soo uu ku sababeeyay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayey.

 Madaxweyne Shariif waxaa kale oo uu sheegay in hadda qorshuhu uu yahay in la dhiso Baarlamaan cusub oo la doonayo inuu noqdo kii ugu fiicnaa ee Soomaaliya soo mara, maadaama sida uu yiri lagu dooranayo qofka ka mid noqonaya shuruudo uusan sheegin waxa ay yihiin, balse uu sheegay in lagu go’aamiyey shirkii Garoowe, wuxuuna intaasi ku daray in qofka Xildhibaanka cusub noqonaya ay beeshiisa soo dooraneyso, balse ay jiri doonaan Guddi aqoonyahano ah oo ilaalinaya shuruudaha lagu dooranayo qofka Xildhibaanka noqonaya. 

Sidoo kale Sheekh Shariif waxa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Baarlmaanka KMG oo uu sheegay inay ka go’antahay in khilaafkaasi la dhameeyo, waxaana uu ka codsaday bulshada qeybaheeda kala duwan inay gacan ku siiyaan sidii ay u dhameyn lahaayeen khilaafka u dhaxeeya mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jira, isagoo sheegay inay dhici karto inay dadku maqlaan Baarlamaan kuraas isla dhacaya. 

“Waxaan dooneynaa inaan dhexdhexaadin ka sameyno Baarlamaanka KMG, ciddii gacan nagu siiso ee ka tirsan Baarlamaankana abaalmarin ayaan siin doonaa, dedaal kasta oo aan is leenahay waa lagu xalin karaa khilaafka Baarlamaanka waan sameyn doonaa, bulshada Soomaaliyeedna waxaan ka dalbanayaa inay gacan nagu siiyaan xalinta khilaafka Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 Dhinaca kale mar uu ka hadlayey dagaaladii ka ka dhacay deegaanka Buuhoodle ee u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa waxa uu sheegay inuu ku baaqayo in dagaalkaasi si deg deg ah loo joojiyo, isla markaasan wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wadahal iyo isafgarad, wuxuuna xusay in dadka deegaanka wada degan aysan marnaba kala tageyninin, ayna yihiin dad isdhalay, isla dhashay, sidaasi darteed aan loo baahneyn dhiig Soomaaliyeed oo markale si micno daro ah ku data.

 Walaalaheena Somaliland waxay nooga maqanyihiin tabashooyin iyo dhib horay u dhacay, waxaana leenahay dhibka wuu nagu wada-dhacay oo reer Koonfureedka ayaaba idinka badan, waxaana diyaar u nahay inaan idinka xaalmarino dhibkii idiin soo gaaray haddii la is horfariisto amaba la wadahadlo, waana boorinaynaa hormaka ay gaareen Somaliland iyo gobolada kale ee dalka, kuwo kalena hadda ayey doonayaan inay dhibka ka baxaan” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif. 

Si kasta oo ay hadalka Madaxweyna ee ah inuu dhexdhexaadin ka bilaayo Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu u dhici karo, maadaama uu Madaxweynuhu la saftay garab ka mid ah garabyada uu Baarlamaanka u qeybsanyahay ee is-haya, sidoo kalena lama oga sida ay ugu qanci-karaan xildhibaanadii xilka ka qaaday Shariif Xasan oo uu Madaxweynuhu si cad uga soo horjeestay, kuna tilmaamay qas-wadayaal inay yihiin.

1 Response for “Madaxweyne Sheekh Sharriif:- Sida uu qabo shirkii Garoowe Baarlamaanka cusub, waxaa lagu xiray shuruudo”

  1. Osman says:

    Shekh Shariif Hal su’aal ayaan rabaa inaan weydiiyo?
    Waa maxay faraha uu ninkaan kaa hayo oo kuu diiday inaad gudato xilkaada qaran oo lugaha iyo gacmahaba kaaga xirey? ma hanti culus ayaad isla dhuuqdaan oo uu furaha asagu hayaa. Ma wax halis ah oo uu ogyahay baa jira adna aad aad uga baqayso inay kashifanto.Ma dambi aad qaranka ka wada gasheen oo isla ogtihiin baa jira oo kashifaaddeeda xilkaada iyo laga yaabe xorriyaddada inay galaafato see wax u jiraan walaaloow Somali oo dhan waa yaabantahaye.
    Maxaa kuu diiday Shekh shariifoow nin culimo ah oo ahlu sharaf ah aya umadda dhexdeeda ku ahayd haddaa masuulki qaranka ugu sarreeyey waa adiga maxaa kuu diiday inaad barta xarunta baarlamaanka ah aad kursigaada dhigato una yeerato guddi kooban oo laga soo xulay xubno xukuumadda ah ,culimo, hogaanka dhaqanka, urrurada bulshada,iyo aqoonyahanno garyaqaanno ah.
    Kaddibna maali u yeerto xildhibaannada taagersan shariif xasan iyo guddomiyahooda aadna hubiso inay yihiin xildhibaano sax ah oon lagu soo dhex dhuuman, kana dhegeysataan wixi dhacay waxa ay ka aaminsanyihiin iyo asbaabta, kaddibna madoobe iyo kooxdiisa, kaddibna isu eegtid tirada labada dhinac iyo tayada hadalkooda kaddibna isugu wada yeertid dhamaan wixi dalka ka jooga xildhubaannada qaranka oo cod buuxa qaadid ciddi aqlabiyadda baarlamaanka heshana guddoomiye u aqoonsatid dhamaan labada dhinacna ka saxiixdid amar madaxweynena ku bixisid ciddi dambe oo intaas kaddib qas u keenta baarlamaanka inay tahay dambiile oo dib u eegis lagu sameeyo xeer hoosaadka baarlamaanka si loo sugo anshaxa xildhiubaannada iyo qaabka gudashada shaqadoodaba. maxaa kugu kallifay inaad xukun iska riddo oo tiraa hebel ma aqoonsanin iyo hebelbaa sax ah.

Leave a Reply