|

Ma waxaan isku qancinaa baroordiiq maalmo kooban ah….? (Fariin ku socota saxafiyiinta)

Marka hore waxaan Tacsi guud u dirayaa dhammaanba saxafiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa saxafiyiinta Soomaaliya ku sugan ee u bareeray xilligan adag inay ummaddooda u shaqeeyaan, kuwaasoo aan uga tacsiyeynayo dilalka iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay sida joogtada ah ugala kulmaan kooxaha arxanlaawayaasha ah ee banaystay dhiiga dadka waxgalka ah, sida saxafiyiinta.

Waxaan si gaar ah uga xumahay dilalka joogtada noqday ee mar waliba loo geysto saxafiyiinta, iyadoo aan si weyn ula murugooday dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho loogu geystay saxafiyiinta xilli aan is lahaa Muqdisho isbedel baa ka dhashay oo ma jiri doono saxafi dambe oo lagu dilo amar Alle mooyee.

Anigoo la naxsanaa dilkii 18-kii Disember 2011 Muqdisho loogu geystay wariye C/salaan Xasan Xiis uurkutaaladiisiina aysan weli iga bi’in ayaa mar kale waxaa naxdin hor leh igu noqday dilka 28-ka bisha Janaayo 2012 loogu geystay degmada wadajir ee magaalada Muqdisho wariye Xasan  Cusmaan Cabdi (Fantastik) Agaasimihii Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilalkaas iyo dhammaan kuwii ka horreeyay ee saxafiyiinta lagula kacay dhammaantood ay yihiin kuwo dhabarjab ku ah saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Inkastoo aysan ahayn wax Muqdisho ama guud ahaan dalka Soomaaliya ku cusub in lagu dilo dad waxgal ah, haddana inta badan dadka wax laga dilo oo ay ku jiraan saxafiyiinta had iyo jeer ay mindidu dul huwan tahay waxay isku qanciyaan baroordiiq maalmo kooban ah iyo cambaareyn, kadibna way iska iloobaan qofkii laga dilay, waana u caado Soomaalida in marka qof muhim ah la dilo ay maalmo kooban uun u baroordiiqaan, iyadoo mararka qaar baroordiiqyadaas ay ka qeyb qaataan madaxda dalka, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha wax laga dilay oo baroordiiqooda ku soo bandhiga saxaafadda qeybaheeda kala duwan, waxaana afka uun laga eedeeyaa qofkii dilka geystay iyadoo aan la dabagalayn, lana soo qabanayn (Waxaaba suuragal ah in qofkii wax dilay uu dhankiisa eedeynta iyo baroordiiqa ka qeyb qaato) isagoo ay suuragal tahay in la ogsoon yahay oo la yaqaano, taasoo loo fasiran karo in uu yahay qof la soo dirsaday oo dilka lala ogyahay.

Dadka ugu badan ee Muqdisho ama meelaha kale ee dalka Soomaaliya lagu dilo waxaa ugu badan Saxafiyiinta oo dilkoodu uu noqday sida tusbax go’ay oo kale, kuwaasoo la oran karo (Cidna uma maqna ceelna uma qodna) waayo saxafiyiintii lagu dilay Soomaaliya iyo kuwa la dhaawacayba ma jirto cid wax ka qabatay dhibtooda amaba ka qabanaysa sida muuqata, waayo ma jirin mid qura oo ciddii dishay la soo qabtay.

Dilalka saxafiyiinta Soomaaliyeed loo geysto waxa uu u muuqdaa mid ay   dilayaashu ku faanaan iyagoo ku raaxaysanaya baroordiiqyada loo dhigo, cambaareynta iyo wararka saxaafaddu ka sheegsheegto oo qura.

Gabar reer Muqdisho ahayd oo saaxiib la ahayd wiil mooryaan ah xilligii Sagaashameeyadii ayaa waxay saaxiibkeedii mooryaanka ahaa ku tiri “Weligay ma arkin qof la dilay oo naf baxaya” markaasuu ku yiri “Taas maa macno leh, hadda ayaan ku tusayaa ee si fiican u fiirso” markaasuu xabbado baas ah ku furay ninkii ugu horreeyay ee ka soo hor baxay, “Alla sida xoolihii buu u naf qaadayaa, oo dhiigga dadku waa guduud saa’id ah, Alla maxaa ku ur badan dhiiga dadka” ayay iyana ku hadaaqday iyadoo hadba dhan ka mareysa meydka ninka sida gardarada ah lagu dilay, marka waxayba ila tahay in dilalka haatan Saxafiyiinta Soomaaliyeed loo geysto ay sidaas oo kale uun tahay oo aysanba wax macno ah la lahayn dilayaashu in ay dil u geystaan saxafiyiin, oo dhiigga saxafiyiinta ayaa ka duwan dhiigaga dadka kale,  waxaanba is iri  dilayaashu saaxiibadood ayay ugu faanaan inay wariye dilayaan iyagoo wax wanaagsan u arka baroordiiqyada aan wax ka soo qaadka lahayn ee saxafiyiintu u sameeyaan marka mid ka mid ah laga diloba.

Waxaan is lahaa xilligan dadku waa uu bislaaday oo waa laga gudbay in Saxafi si maalaayacni ah la isaga dilo, sidoo kale waxaan is lahaa Muqdisho dowladda KMG ayaa la wareegtay wuuna ka idlaaday dilalka saxafiyiinta iyo in dad si gaar ah loo ugaarsado oo maba jiri doono saxafi dambe oo la iska dilo, balse taas waa mid beenowday waayo Muqdisho oo dowladdu ay sheeganayso inay gebi ahaanba la wareegtay ayaa weli waxaa ka sii socda dilalka saxafiyiinta loo geysto.

Dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho loogu geystay labada wariye ee Xasan Fantastik iyo C/salaan Xiis waxa uu ka dhacay degaanno ay si buuxda dowladda KMG uga taliso, iyadoo xitaa degaannadaasi ay dowladdu ka sii talin jirtay markii ay xarakada Al-shabaab qeybo badan magaalada Muqdisho kaga sugnayd, marka waxaa loo baahan yahay saxafiyiintuna ay sugayaan in dowladdu ay jawaab ka bixiso dilalka wariyeyaashaas, iyadoo aan loo baahnayn in afka uun laga yiraahdo waan soo qabanaynaa oo ficil aan la daba dhigeyn.

Walow aan rasmi ahaan loo xaqiijinin cidda geysatay dilka Wariye Xasan Fantastik oo dhiigiisu weli uu qoyan yahay ayaan haddana dowladda ka sugeynaa inay dabagal xooggan ku samayso, halka dhanka kale la ogsoon yahay in dilkii loo geystay saxafi C/salaan (Xiis) uu geystay qof xiran dareyska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, marka waxaa la is dhihi karaa amaba hubanti lagu tilmaami karaa in dilka Wariye Xiis uu geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo ruuxii dilkaas geystayna uu isagoo qorigii uu wax ku dilay wata ku dhex laafyooday xaafadaha dowladdu maamusho, tiiyo la ogsoon yahay in degaannada dowladdu ka taliso ee magaalada Muqdisho ay askarta dowladdu sida shacabki u dhex mar-maraan, weliba iyagoo hubaysan taasoo aan hubo in la qaban karay qofka dilka geystay, haddiiba qabashadiisa la doonayay.

Waxaa anfariir af kala heys nagu noqday in Saraakiisha sare ee wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya ay iska fogeysay dilka loo geystay wariye C/salaan Xiis iyagoo ku andacooday in dareeska ciidamada dowladda cid waliba xiran karto oo suuqyada laga soo iibsan karo, qorina la qaadan karo, laakiin taas waxaan u aragnaa haddii aan saxafiyiinta Soomaaliyeed nahay inay sii dhiiragelinayso dilalka loo geysto saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee aanay jirin cid u maqan, walow hadalka ka soo yeeray saraakiisha Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya aanay ahayn marmarsiyo lagu qanci karo, Saxafiyiinta Soomaaliyeedna ay weli dowladda ka sugayaan in ay gacanta ku soo dhigaan dilayaashii dilka u geystay wariyeyaashan meel kasta oo ay ka keenaanba.

Inkirmaadda dowladdu ay mar waliba ka samaynayso dilalka loo geysto saxafiyiinta degaannadeeda lagu dilo waxa ay daciif ka dhigaysaa in dowladdu amniga Muqdisho sugtay, isla markaana aan lagu kalsoonaan karin in ay si xor ah weli Muqdisho saxafiyiinta ugu dhex shaqeyn karaan.

Haddaba baroordiiq kasta oo la sameeyo waa un sideedii oo maalmo ama bilo kadib saxafi kale ayaa la dilayaa, marka ma waxaan isku qancinaa baroordiiq maalmo kooban ah iyo dilka saxafiga oo joogto noqda?.

 

                            Waxa Qoray:  Saxafi sare, C/raxmaan Cumar Madoobe

                                                                      (Caaqil  Dalmar)

Leave a Reply