|

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalo culus oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose iyo askar isku disahay magaalada…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu xalay ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolkaasi, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo taageero ka helaya kuwa Kenya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah.

Sida warku sheegayo dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Qooqaani, halkaas oo uu ka dhacay dagaal muddo saacad ka badan socday, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dhinacyada dagaalamay ayaa dagaalka guulo ka sheegtay, waxaana afhayen u hadlay Xarakada Al-shabaab uu sheegay inay weerar ku qaadeen saldhig laga qorsheyn jiray duulaanada lagu soo qaado ciidamadooda, wuxuuna intaasi ku daray in saldhiggaasi ay muddo kooban la wareegeen, isla markaasna ay ku qabsadeen hub iyo saanad kale oo ciidan, isagoo xusay inay askar badan ka dileen Kenya iyo kuwa dowladda KMG sida uu yiri.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada dowladda KMG ee deegaanka Qooqaani Maxamed Sheekh Cabdi {Toosh} oo isna dagaalka ka hadlay ayaa sheegay inay jirin wax khasaare ah oo dagaalka ka soo gaaray ciidamadooda, isagoo tilmaamay inay Al-shabaab dagaalka uga dhimateen sida uu yiri 3-askari, kuwo kalena ay uga dhaawacmeen.

Dhanka kale wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi uu shalay dil ugu geystay askari kale oo isna ka tirsanaa isla ciidanka dowladda, kaas oo markii uu dilka geystay goobta isaga baxsaday, waxaana la sheegay in markiiba ay goobta yimaadeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda KMG iyo kuwa Itoobiyaan ah oo baaritaano halkaasi ka sameeyay si ay gacanta ugu soo dhigaan askarigii dilka geystay, inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen falkaasi.

Sida warku sheegayo askariga wax dilay iyo kan la dilay ayaa waxaa dhexmaray muran, taas oo keentay in dilku uu sidaasi ku dhaco, inkastoo warar kale ay sheegayaan in askarta is dishay ay isku qabsadeen arrimo naag oo mid waliba uu sheegay inuu naagtiisa ka shukaansaday, wallow aan warkaasi si rasmi ah loo xaqiijin karin, waana markii ugu horeysay oo uu askari ka tirsan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya dil ugu geysto gudaha Baydhabo askari kale.

Leave a Reply