|

Kooxaha Burcad badeeda oo shuruud ku xiray sii deynta Markabd ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ayaa diiday inay sii daayaan markab ganacsi oo u rarnaa ganacsato Soomaali ah oo ay afduub ku qabsadeen, waxayna sii deynta markabkaasi ku xireen shuruud adag oo ay ganacsaatdu sheegeen inay ku adagtahay fulinteeda.

Sida warku sheegayo dedaalo la doonayey in lagu sii daayo markab u raran ganacsato Soomaali ah oo ay afduub u heystaan kooxaha burcad badeeda Soomaali ayaa lagu guul-dareystay, ka dib markii ay meelmari waayeen wada-hadalo u dhexeeyay ganacsatada wakiilka ka ah markabka iyo burcadda oo shuruudo la timid.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maamulaha shirkadda qaabilsan dhoofinta xoolaha ee Al-istiqraar C/risaaq Cali Maxamed ayaa sheegay inay guul-dareysteen dhammaan isku dayadii lagu doonayey in lagu soo furdaamiyo markabka, ka dib markii ay burcad badeeddu ku andacootay ama ku xirtay shuruud ah in laga siiyo markabka dhaqaale farabadan oo ka galay, sidaas daraateedna ay doonayaan in lacag madax-furasho ah oo aysan sheegin cadadkeeda laga siiyo markabka haddii kale aysan sii deyn doonin.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay inay u gudbiyeen arrintan Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, ayna ka war sugayaan go’aanka maamulku Puntland uu qaato maadaamaa buu yiri lagu heysto markabka xeebaha maamulka Puntland.

Sidoo kale Mr. C/risaaq Cali Maxamed ayaa sheegay in markabka iyo shaqaalaha saaranba haatan lagu hayo meel u dhow xeebta deegaanka Baargaal ee gobolka Bari, waxaana xusid mudan in markabkan ay kooxaha burcad badeeda ayaa qafaasheen isagoo ku soo jeeday dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari si uu halkaasi uga qaado xoolo dhoof loo waday.

Leave a Reply