|

Xildhibaanada Maamulka Banaadir State:- Diidmada dowladda KMG ee ku wajahan maamulka Banaadir waa mid dano gaar ah laga leeyahay waayo..

Xildhibaanada maamulka Banaadir State ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee ka soo jeeda gobolka Shabeellada hoose oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ka soo yeeray qaar ka mid ah odayaal iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha Digil oo sheegay in beeshoodu aysan ka mid aheyn maamulka Banaadir State, sidaasi darteedna aysan taageeraynin, waxayna sheegeen xildhibaanada in iyaga ay u matelayaan beesha Digil, warkaasina uu yahay been la dhoodhoobay.

“Waxaan taageersannahay maamulka Banaadir State oo aan xildhibaano ka nahay, dadka leh Digil ayaan metelnaa ee sheegaya inay ka soo horjeedaan maamulka Banaadir State waxaan leenahay ma meteshaan dadka aad sheegaysaa, waayo dadkaasi annaga ayaa ka dhalanay, xubno ayaana ku leenahay maamulka Banaadir State, haddii aad meteshaan oo ay runtahay kaalaya oo maamulkiina dhinac ka raaca, maamulka Banaadir-na waxaa ku midoobay dadka degan gobolada Banaadir, Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Cabdi Abuukar oo wariyeyaasha la hadlay kulanka ka dib.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Xildhibaan Cali Cabdi oo sheegay in Xidlhibaanada ka soo jeeda gobolka Shabeelada hoose eek u jira dowladda KMG aysan tagin gobolkaasi muddo dheer, wuxuuna intaasi ku dartay in xildhibaanada ku jira maamulka Banaadir State ee ka soo jeeda gobolka Sh/hoose ay diyaar u yihiin inay tagaan gobolka, ayna wax u qabtaan dadka dega gobolkaasi, ka roonaadaan kuwa ku jira dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xidhibaan Cali Xasan Macallin oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu maamul goboleedka Banaadir State uu yahay mid waafaqsan xeerka dowladda KMG oo ah in laba gobol iyo wixii ka badan ay noqon karaan maamul goboleed, sidaas daraadeedna uu maamulkani ka koobanyahay sadex gobol.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur {Tarsan} iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose C/qaadir waxay ka soo horjeesteen maamulkan markii ay iska waayeen kuraastii maamulka, markii hore iyaga ayaa u ololeynayey oo waday dhisidda maamulkan, diidmada dowladda KMG ee ku wajahan maamulka Banaadir State waa mid dano gaar ah laga leeyahay, maamulkuna uu buuxiyey shuruudihii loo baahnaa oo dhan, isla markaasna aysan garan Karin waxa looga soo horjeedo ee loo diidayo waxa ay tahay” ayey si wada jir ah u yiraahdeen Cali Xasan Macalin, Cumar Cabdi Abuukar iyo Cali Cabdi oo saxaafadda la hadlay.

Leave a Reply