|

Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay hadal ka soo yeeray Abuu Mansuur Al-Ameerika oo sheegay inuu cabsi ka qabo inay dilaan saraakiil ka tirsan…

Cumar Shafik Xamaami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al-Ameerika, kana mid ah saraqakiisah cadaanka ah ee ka garab dagaalama Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay waxa uu sheegay inuu naftiisa uga cabsi qabo inay dilaan Saraakiisha Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inay isku qabteen istaraatiijiyadda dagaalka iyo fulinta shareecada Islaamka oo ay ku kala aragti duwanaadeen saraakiisha iyo isaga.

Abuu Mansuur Al-Ameerika ayaa hadalkan ku sheegay cajalad Fiidyow ah oo uu soo duubay, soona dhigay qadka Internet-ka ayaa waxa uu intaas ku daray in khilaafka u dhaxeeya isaga iyo saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab uu ka dhashay sababo dhinaca sharciga iyo istaraatiijiyadda, taas oo ay ku kala aragti duwanaadeen, wixii markaasi ka dambeeyayna uu cabsi weyn ka muujiyey in naftiisa la dhaafiyo sida uu yiri.

“Waxaan ka cabsi qabaa in Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay i dilaan oo ay nafta I dhaafsiiyaan ka dib markii uu khilaaf na soo kala dhexgalay, arrinkaasi welwel badan ayuu igu abuuray” ayuu ku yiri cajaladda muuqaalka ah ee uu soo duubay Abuu Mansuur Al-ameriika oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Mareykanka, kana mid ah saraakiisha muhaajriinta ah ee ka garab dagaalanta Xarakada Al-shabaab.

Dhinaca kale war ka soo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa looga hadlay warka ka soo yeeray Abuu Mansuur Al-amiriika, waxayan Xarakadu sheegtay in warkaasi uusan waxba ka jirin, isla markaasna ay iyagu beeninayaan jiritaankiisa, isla markaasna aysan garankarin ujeedada laga lahaa warkaasi baahintiisa ayaa lagu yiri war ka soo baxay Al-shabaab oo lagu qoray bogga ay qadka Internet-ka ee Twitter-ka loo yaqaano ee ay adeegsadaan Shabaabku.

“Waxaynu u xaqiijinaynaa walaalaha Muslimiinta inaanu Al-Amriki ku sugnayen qatar uga tumaada Mujaahidiinta, walaalkeena wali wuxuu ku naaloonayaa ama ku sugan yahay xuduuda walaaltinimada” ayaa lagu yiri warka Shabaabka soo baxay ee lagu baahiyey Twitter-ka.

“Baaritaan dhab ah ayaa hadda socda, Xarakatul Shabaabul Mujaahidiinna waxay wadaan isku day ay ku xaqiijinayaan sax ahaanta iyo ujeedada ka dambeysa filimkaasi baahintiisa” ayaa markale lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Xarakada Al-shabaab ee lagu daabacay bogga Twitter-ka ee ay Internetka ku leeyihiin.

Leave a Reply