|

Warbixin dheer oo ku saabsan Dilal, Duqeymo, Qaraxyo iyo Dagaalo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo B/weyne

Dhor ruux ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo B/weyne, kuwaas oo ay haatan gacanta ku heyso dowladda KMG Soomaaliya, waxaana dilalka qaar loo geystay Oday dhaqmeedyo iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, sidoo kalena qaar ka mid ah magaalooyinkaasi waxaa ka dhacay dagaalo iyo duqeymo ay dad wax ku noqdeen.

Labo ruux ayaa siyaabo kala duwan xalay loogu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Wardgiigley agagaarka wadada Aadan Cadde oo lagu dilay wiil dhalinyaro ah, kaas oo ay dilkiisa ka soo baxayaan warar kala duwan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in wiilkaasi ay dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG oo sida la sheegay ka shakiyey, halka warar kalena ay sheegayaan in wiilkaasi dilkiisa ay sheegteen Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dileen mid ka mid ah askarta BST loo yaqaano, inkastoo aan war rasmi ah laga heynin dilka loo geystay wiilkan dhalinyarada ah oo dhacay agagaagarka daaradda golobol ee wada labaad ee suuqa Bakaaraha.

Daqiiqado kooban ka dib ayaa waxaa gudaha suuqa-weyn ee Bakaaraha alagu soo daadiyey ciidamo faraban oo isugu jira Boolis, Nabad sugid iyo Mileteri, kuwaas oo baaritaano kala duwan sameynayey, isla markaasna dadka ku amrayey inay xaroodaan, iyagoo hakiyey dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray waddooyinka koowaad iyo labaad ee soo gala Suuqa-bakaaraha, inkastoo aan la sheegin inay jiraan dad ku qabqabteen howlgalka ay xalay ka sameeyeen gudaha Bakaaraha dilka ka dhacay ka dib.

Sidoo kale dil kale ayaa isna waxa uu ka dhacay xalay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay dil u geysteen askari ka tirsan ciidamada doowladda KMG Soomaaliya oo marayey bartamaha Isgoyska Sanaca, waxaana la sheegay in dhowr xabad ay madaxa kaga dhufteen, iyadoo kooxihii dilka geystayna ay goobta ka baxsadeen, markii uu dilku dhacay ka dibna waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo baaritaano kala duwa ka samaeeyay goobtii uu dilku ka dhacya, inkastoo aan la sheegin inay dad u soo qabteen falkaasi dilka ah ee loo geystay ninkaasi la sheegay inuu ka mid ahaa askarta dowladda KMG.  

Dilka sedexaad ayaa waxa uu ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran, waxaana la sheegay in gudaha magaaladaasi lagu dilay mid ka mid ah oday dhaqameedyada magaaladaasi, kaas oo ay dilkiisa ka dambeeyeen sida la sheegay kooxo dhalinyaro ah oo dhowr xabo madaxa kala dhacay, ka dibna isaga baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen, iyadoo daqiiqado ka dib ay goobtii uu dilku ka dhacay ay soo buuxdhaafiyeen ciidamo ka tirsan kuwa Dooxada Shabelle iyo kuwo Itoobiyaan ah oo baaritaano ay sameeyeen la sheegay inay ku qabqabteen dad rayid ah oo ay uga shakisanyihiin inay ka damabeeyaan dilka loo geystay Oday dhaqameedkaasi.

Sidoo kale dila afaraad ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo oo la sheegay in lagu dilay nin rayid ahaa, kaas oo ay dileen ilaa 3-dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado, si rasmi ahnba looma oga waxyaabaha ka dambeeya dilkiisa iyo cidda dishay midna, inkastoo la sheegay in kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobtii ay dilku ka geysteen.

Dhinaca kale madaafiic hoobiyaal ah oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa shalay galab waxay dad ku laayeen xaafadda Cali-kamiin, waxaana la sheegay in mid ka mid ah Madfacaasi oo ku dhacay furayaasha uu dhaawac u geystay labo ruux, iyadoo markii ay hoobiyaashaasi soo dhaceen ka dibna ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG, lamana oga halka ay ka yimaadeen madaafiicda shalay ku dhacday xaafaladda Cali-kamiin, inkastoo ay ku soo aadeyso iyadoo habeen hore weeraro hoobiyaal ah lagu qaaday markii sedexaad xarunya Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ku dhacay xero barakac oo ku yaala taalada Sayid hoostiisa, isla markaasna uu dhib weyn ka so ogaaray qoysas barakacayaal ah, waxaana duqeyntaasi sheegtay Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay duqeyntaasi ku dileen askar Soomaaliya iyo Yugandheys isugu jira.

Ugu dambeyntii qarax miino oo waxyeelo kala duwan geystay ayaa shalay lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo marayey Isgoyska Fagax, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu waxyeelo ka soo gaaray ciidamadii lala eegtay iyo dad rayid ahaa oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ka agdhaweyd halka uu weerarka miino ka dhacay, iyadoo ciidamadii weerarka miino lagu qaadayna ay baaritaano ay sameeyeen ku qabqabtay dad ay ugu shakiyeen inay ka dambeeyeen qaraxa amaba lug ay ku leeyihiin.

Si kasta oo ay ahaataba dilalka, qaraxyada, dagaalada iyo weerarada hoobiyaasha ah ee dib uga soo cusboonaaday magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaa iyadoo habeenadii ugu dambeeyay Madaxweynaha dowladda KMG uu dhex lugeynayey saqdii dhexe xaafadaha magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo qaabka ay habeenkii u shaqeeyaan ciidamada dowladda KMG, waxayna dilalka, duqeymaha iyo weerarada miino ay cabsi xoogan ku abuureen dadkii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo dib u soo xasuustay duqeyntii habeenkii saqda dhexe la isku weydaarsan jiray magaalada Muqdisho, isla markaasna ka cabsi qaba in dib magaalada ay markale uga barakacaan.

Leave a Reply