CEELKA SHIDAALKA EE PUNTLAND MA HANTI QARAN, MISE DHAXAL BEELEED?!!
Dareenno kala duwan ayaa laga bixinayaa qorshaha ceelasha shidaalka ee laga qodayo Dooxadda Daroor ee duleedka magaaladda Boosaaso ee W/bari ee dalka Soomaaliya oo uu haatan ka arrimiyo maamul gobaleedka Puntland.
Qoditaanka Ceel Shidaal ugub kuma ah dalka Soomaaliya, waxaana la ogyahay inay dowladdii Kacaanka ay howshaasi bilowday, balse uusan hanaqaadin, ka dib markii ay mowjado dagaalo sokeeye iyo fowdo siyaasadeed ku dhufteen dalka Soomaaliya.
Shirkado caalami ah oo ay ka mid tahay Conoco ayaa waxay qalab fara badan kaga carareen goballadda W/bari ee dalka Soomaaliya, ka dib markii ay dowladdii Dhexe ee Soomaaliya burburtay bilowgii sanadkii 1991-dii, haddaba markaynu eegno qorshaha Maamulka Puntland ee ceelasha Shidaalka, waxaa isweydiin mudan awood sharciyeed iyo fulin shaqo shidaal baaris ma u leeyihiin Maamulka Puntland ee uu Madaxweyne C/raxmaan Farroole hogaamiyo?.
Sida ay sharci-yaqaanada ku takhasusay sharciga caalamiga iyo nidaamka dowladnimada, waxay far ku godayaan inaysan garawshiyo laheyn tallabadda uu Maamulka Farroole kula galay heshiiska Shirkadaha haatan howshaqodista shildaalka ka bilaabay Dooxada Daroor, sharci-yaqaanada waxay tilmaameen in awoodda howlgalkaasi uu yahay mid lagu fulin karo dekareeto dowladeed, si ay xalaal u noqoto arrintaasi, hadaba waxaa hubaal ah inay dowladda KMG Soomaaliya tahay midda awoodda u leh ansixinta howlkasta oo ay ku jirto danaha Qaranka Soomaaliyeed, balse uusan maamul gooni u magacaabay uusan arrimo noocaasi oo kale ah faraha la geli-karin.
Tallaabadda uu Maamulka Puntland ku fulinayo go’aanka Qaran ayaa lagu nisbeyn karaa inay ka dhalatay iyadoo uu maamulkaasi ka faa’ideysanayo fowdada dhinaca maamulka iyo siyaasadda ee ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya iyo isqabqabsiga ka dhex oogma mas’uuliyiinta dowladda KMG, sidoo kale qodista shidaalka ee uu ku dhaqaaqay maamulka Faroole waxaa irdaha u furahay habacsanaanta maamulka dowladda KMG, waxaana xusid mudan in Faroole uu haatan tartan kula jiro dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taasi oo Madaxweynaha Maamulka Puntland ku dhiiri-gelisay inuu isbaaro siyaasadeed u dhigto hanaqaadka dowladda KMG, iyadoo ay dowlado iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ku taageersanyihiin qalaanqalka siyaasadda ee Madaxweyne Faroole ku hayo hanaqaadka dowladda KMG iyo kan dalka u yaala intaba.
Gorgortan siyaasadeed iyo Il-duufsiga Maamulka Puntland ayaa haatan noqotay hadal-heynta guud ee Bulshadda Soomaaliyeed, iyadoo horey Maamulka Puntland lagu dhaliilsanaa takoorka iyo barakicinta ay u geysteen kumanaan dad ee Soomaalida reer Koonfurka ah oo horey ugu sugnaa gobalada Waqooyi bari ee maamulka Puntland ayaa haddana waxa uu ku darsaday inuu Madaxda dowladda KMG amar siiyo sidii caruur uu dhalay oo kale, barakicintaasi khasabka ah ayuu maamulka Puntland sabab uga dhigay amni-darro iyo dagaalo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalada uu Maamulka Faroole ka arrimiyo.
Si kastaba ha ahaatee maxaa laga dhaxli doonaa haddii ay maamulka Puntland iskood u meel-mariyaan mashruuca seddexda Ceelasha Shidaalka looga qodayo Dooxadda Daroor ee duleedka magaalada Boosaaso?, wadaniyiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaalinimada ku dheertahay ayaa farta ku go’day qorshahaasi, iyagoo xusay inay taasi khatar ku noqon doonto midnimada Qaranka iyo wada noolaashaha beelaha ku wada nool gobalada uu Maamulka Puntland ka arrimiyo, dadkaasi wadaniyiinta ah ayaa ku eedaynayo inay dowladda KMG Soomaaliya ku degdegtay tanaasulka ay xubno ka tirsan ay ku ogolaadeen meel-marinta uu Maamulkaasi ku fulinayo mashruucaasi.
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa lagu dhaliili karaa inay ku il-duuftay go’aankaasi, iyadoo la qiri karo inaysan xilligan munaasib ku aheyn fulinta mashruucaasi, maadaama aysan dowladda KMG dhamaystirin haykalka iyo awoodaha kala xadidiaya dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada iyo qaabka mustaqbalka looga faa’ideysanayo mashaariicda guud ee qaranka, khubarada dhinaca siyaasadda Soomaaliya ayaa rumeysan inuu maamulka Puntland haatan ka faa’ideysnayo tabar-darida dowladda KMG iyo xilliga kala guurka ah ee haatan lagu jiro.
Ugu dambeyntii si kasta oo ay ahaataba haddii aysan dowladda KMG Soomaaliya ka baaraan-degin khatarta ka dhalan karta Ceel-qodista shidaalka ee maamulka Faroole waxay taasi horseedi doontaa Puntland oo ku dhiirata inay Jamhuuriyadda Soomaaliya ka go’do iyo in gondaha lala galo colaado kale oo salka ku haya Sed-bursi ay Puntland ka keento manaafacaadsiga kheyraadka shidaalka ee dooxada Darroor ee Soomaaliya, haddaba hadaan laga hortegin khatarta uu maamulka Puntland maleegayo waxaa madaxa lala geli doonaa xilli colaadeed ka sii daran dagaaladii sokeeye iyo kuwa diimeed ee khasaaraha baday dadka iyo dalka Soomaaliya, haatanna raadadkii ay reebeen laga dareemayo magaalooyinka iyo dadka Soomaaliyeed intaba.
Waxaa Qoray:- Cali Maxamed Jimcaale {Ooyaaye}
AFEEF GAAR AH : Aragtida Qoraalkani kama tarjumayo aragtida Shabakadda www.Aarannews.com ee waxa ay u gaar tahay qoraaga maqaalkani.
