|

Rugta ganacsiga maamulka Somaliland oo Puntland ku eedaysay afduubkii loo geystay…

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri ayaa sheegay in markabkii u rarnaa ganacsatada Somaliland ee ay afduubteen kooxaha burcad badeeda, balse la sii daayey afduubkaasi ku maamulka Putland.

Mr. Maxamed Shukri oo isaga iyo qaar ka mid ah ganacsatada markabkaasi u rarnaa ee ka howlgalay soo deyntiisa shir jaraa’id oo uu maanta ku wada qabteen xarunta Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa madax-dhaqameedka iyo maamulka Putland ku eedeeyey in aanay si wanaagsan ula dhaqmin ergadii loo diray inay markabkaas kala soo xajoodaan, iyaga oo ku dhaliilay in budhcad-badeedu daba ku hayso maamulka iyo madax-dhaqameedka Putland.

“Dhaliisha cid ba iska lahayd, waayo dhaqanka Soomaaliyeed ba waxa ka mid ah; Awr xumi geel buu ka dhashay iyo baruur qudhuntaybaruuryo qudhmisa, in degaanka Puntland uu noqday degaan ay ka suuragal noqotay in dhaca lala yimaado oo ninka xumi ku amaan helo, kuna qarsoomo, kuna nabad helo, markii hore arrintaasi noomay caddayn, laakiin ragga dhallinyarada ah ee waxaas samayna gidaaraday ku tiirsan yihiih ee ay kula soo dhumanayaan intay hantida ummadda soo dhacaan ayaannu iminka soo aragnay, anaga oo aan hebel hebel u odhanahayn, haddana waxaan si guud uga tilmamaya raggii ku guul-darraystay in waajibkii islaamnimo, Soomaalinimo, darisnimo, ergada gurisiisa timi aan wanaajin, waxaana ka kow ah madax-dhaqameedka, gaar ahaan waxaannu hoosta ka xariiqaynaa madax-dhaqameedka dhallinyaradii markabka soo afduubtay ay isku degaanka ahaayeen u odayaasha ahaa, una madaxda ahaa ayaannu si gaara u dhaliilaynaa, namay sharfin, manay gudan waajibkoodii, xataa tacaadufkii walaalnimo yaannu waxba qabane may muujin raggaasu iyo inay ka xun yihiin, waxaanay ergadii ka soo wariyeen inay ahaayeen niman arrintaa dood iyo muran ka keenay, sidaa awadeed wejigaa ay na tuseen baannu u haynaa haddaannu reer Somaliland nahay oo ay noogu imanayaan bari haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Shukri.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu dhaliil u jeediyey masuuliyiinta reer Putland, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aan halkan dhaliil uga soo jeedinayaa guud ahaan maamulka Puntland ee madaxweyne Farroole odayga u yahay, dawladbaynu ku ogayn, dhulkaa inay xukumaan baannu u naqaana, kana masuul yihiin oo dadkaa xumaan iyo samaan wixii ka yimaada ka masuul yihiin. Sidaa awadeed, maadaama ergadaasu min madaxweynaha ilaa wasiiradiisa ciday ka khusaynayso ergadu ay ku noqnoqtay oo ay u tagtay, qofka marka loo tago hadduu kula ordo oo uu dedaal muujiyo, dedaalkiisana midho dhali waayo ku canaanan maysid, inaanay dedaal samaynin maamulkaas haba yaraatee wuxuu doonaba ha noqdeen ayaannu aad iyo aad uga xunahay, waxaannu aad uga xunahay oo aannu aad ugu tilmaamaynaa reer Somaliland ninka wasiirka ka ah dekedaha iyo budhcad-badeeda, waxaannu aad uga xunahay hadalada foosha xun ee dhiifta leh ee niyada ka dilaaya ergadii ee uu madasha kaga yidhi, waxaannu ka sii xunahay isaga oo aan waxba na tarin, haddana inuu shir jaraa’id qabto oo uu yidhaahdo markabkaasaannu ka hawlgalnay oo annaga soo daynay waa been wax alaale iyo wax juhdi ah oo isaga iyo maamulkiisu ku lahaayeen markabkaas soo dayntiisa haba yaraatee ma jirto, waxaannu ku tiirinaynaa in wasiirkaasi gidaaraday budhcad-badeedu ka soo jeedo inuu ka mid yahay, sida uu hadalka u yidhi, siduu ergada u qaabilayn, uguna tiiq tiiqsaday isaga oo xafiiskiisa la joogo.”

Mr. Maxamed Shurki, waxa uu caddeeyey in sii daynta markabkaas laga bixiyey lacag madax-furasho ah, waxaannu yidhi; “Markabka na looguma soo dayn hawlgal ninka wanaagsan ee reer Putland uu sameeyey, hantidayadiibaannu hantidayadii ku soo furanay, madax-furashaday doonaayeen inamadaasu markii xal kale la waayey ayaa la bixiyey ilaa iminka lacag $300 kun ku dhaw dhaw ayaa naga baxday, lacagtaasina reer Putland bay gashay oo godobteedu u taala oo ay ku maqan tahay, inankoodii baana gurigooda keenay oo ku dheefsanaya, waana markabkii labaad haddaannu hore idiinku xil qarinay oon bustaa saarnay, waxa noo muuqata inaad waddo naga jabsateen, inankaya yar ee hantidayada u soo xaytay inuu sidaa ku qaato, wixii dambe sidaa ku soo talagali maayo.

Mr. Maxamed Shukri waxa uu iftiimiyey in markabkaas la bililiqeystay, lagana gurtay hanta badan, isaga oo arrintaa sharaxaya waxa uu yidhi; “Arrinta kale ee nasiib-darrada ahi waxa weeyaan markabkii waa la fadhataystay, wali dekeda laguma soo xidhin oo maannu qiimayn alaabta la fadhastaytay xaddiga iyo qiimahay leedahay ma garanayno, laakiin reer Somaliland waxaannu u sheegaynaa in la fadhataysay markabkii oo wixii lala degi karaayey maalintuu halkaa taagnaa lala degay.”

Leave a Reply