HOGAAN XUMIDA SOO WAJAHDA DIMUQRAADIYIINTA WAXAY FURSAD U TAHAY MUSLIMIINTA ISBADAL DOONKA!!!
Qarnigan soo dhaafnay dunida waxaa ka jiray loolan siyaasadeed oo u dhaxeeyay Shuuciyiin iyo dimuqraadiyiin, dimuquraadiyiintu waxay aaminsanaayeen in dadka ay wadahadlaan tacbadaan oo dadkuna xaq u leeyihiin inay wax is barbardhigaan oo mid ay doortaan, Shuuciyiintu waxay aaminsanaayeen in dadka wax loo yeesho qofkii war ka keena amarkaas in la ciqaabo taasi waxay dhalisay in si fudud loogu adkaado shuuciyiinta, nasiib daro markii ay guusha u soo hoyatay dimuquraadiyiinta waxay qaateen nidaamkii shuuciyiinta, waxayna adduunyada u rogeen goob dagaal waxaanna abuurmay qaxooti fara badan iyo dadbadan oo xagjir ah, taasi waxay fursad dahabi u tahay dadka Muslimiinta ah inay qaataan doorkooda siyaasadeed, ayna buuxiyaan hogaan xumida ka jirta caalamka, iyagoo ku dayanaya nabigooda {Csw}, kuna dhaqmaya diintooda Islaamka, waana inay ilaaliyaan xaduudda Ilaahay iyo xeerarka ay dhigteen.
Diinta Islaamku waa nidaam hogaamineed oo samaawi ah:- Diinta Islaamku waa caano dhaay ah oo saafiya oo u wanaagsan araga iyo udugaba, kuna fiican cabitaanka haddii liin lagu daro si kasta oo ay fiicnaayeen waxay ku soo baxayaan wax aan nafta u rooneyn, laakiin caano yaraantooda iyo badnaantooda waa caano waxaa la mid ah Imaanku yaraantiisa iyo badnaantiisa qofkiisa waa anfacayaa, laakiin waxkasta oo lagu daro waa u bidco, bidco dadkeeda waa dhumaan qof dhumay cadaabta ayuu halis u yahay, Nabigeena {Csw} waxa u yiri “Haddii aan wax idin faro kala imaada tabartiina haddii aan wax idin ka reebo dhammaan ka hara, waxaa kale oo uu yiri wax kasta oo soo kordha waa bidco, waxaa kale uu yiri umadeyda waxay u qeybsami dooontaa 73-firqo micnaheedu waa 73-kooxood oo leh 73-magac, magac kasta oo wata ajandihiisa gaar ka ah madaxdiisa gaar ka ah, qolo walbana ay dooneyso danaheeda gaarka ah qolo kastana ay ku faraxsantahay waxay wadato.
Diinteenta waxay nafareysaa inaan reerkeena u rarno sinaan cadaalad nabad iyo horumar:- Afartaa shay bidba mid ayuu ka horeeyaa, waxaana u horeeya sinaan waxaa la simayaa waa dadka isku meeldegen oo dantu ka dhaxeyso, dadkaas haddii ay ogaadaan in waxwalba loo simanyahay waxay hubsadeen inay heleen cadaalad cadaaladdu waxay sababay in dadku uu iimaanku galo barakadu soo digto hanqal taagu yaraado dadku ay isku meel u jeestaan oo la helo namad, nabada waxay sababeysaa in latabcado loo kaco tacliinta hanti ay meel dhiganto waxaa si fudud ku imnaayo horomar adduunyadu waxay tabeysaa afartaas shay, waxaana si fudud looga helayaa diinta islaamka.
Xilligan lagu jiro iyo xilligii Nabigeena {Csw} ismalaha:- Nabigu {Csw} waxa uu fidinayey diinta islaamka asxaabtiisuna waxay ilaalinaayeen oo difaacayeen Nabiga {Csw} gaalo ma ogoleen inay diinta ayfido oo dadku diintii ay doonaan ay galaan, arrin kaas oo waxay dhalisay in dagaalku bilowdo xilligan waxaay kaga duwantahay xilligii Nabiga {Csw} inay adduunka oo dhan ay muslimiinta meelkasta ay joogaan waxaa is haya ay yihiin Muslimiinta keliya si looga badbaado fitnadaas annagu Soomaali baa nahay dad lama midnihin aan reerkan u rarno diinta Islaamka si fiican aan u metelno sida ay u egyihiin dadka Muslimiinta ah ama loogu dhaqmo diinta Islaamka howsheeno waxay noqon mideynta dadka muslimiinta ah.
Nabigeenii {Csw} iyo asxaabbtiisii iyaga ayaa ah kuwa ilaah raali geliyay:- Magaalada Madina waxay aheyd magaaladii saldhiga u aheyd diinta Islaamka, waxaana ka jiray dad ilaahay ka yeelay qabiil markoodii hore oo doortay diinta Islaamka ilaahna uu ku magacaabay Muslimiin Ilaahna uu ku darsaday xisbigiisa waa Xisbulaah, cidanka magaaladasi ay laheyd wuxuu ahaa ciidankii muslimiinta hadday duulayaan ama lagu soo doolayo waxay ahaayeen muslimiin mar ay qabyaaladi qaaday Ilaah waxa uu faray inay dhiman iyagoon muslimiin aheyn, ciidan kasta waxa uu ku dhimanayaa magaca uu ku dagaalgalay.
Qokasta oo Ilaah baray diinta islaamka waxaa ka xaaraan ah in tolkiisa inuu ka hjjroodo:- Qofkasta oo diinta islaamka yaqaan uma bannaano inuu tolkiis ka dhax baxo {Ka hijroodo} tolkiisa waa inuu dadka u sheegaa diinta Islaamka habeen iyo maalin waa inuu kala shqeeyaa wixii qeyr ah oo ay sameenayaan waa inuu ka reebaa wixii dulmiya ah tabartiisa intay ka dilayaan ama dirqi uu uga baxsado waa inuu ku sabraa intii Nabi nuux {CW} uu u samray tolkiis ama intii uu ilaah idinkala xukumayo.
Ilaah waxa uu naga yeelay qabaa’ilo qolo walbana waxay xaq u leedahay in ay ka taliso aya heeda:- Nin kasta oo afka Soomaaliga ku hadla ma aha Soomaali, nin kasta oo diinta Islaamka yaqaanaa ma ah muslim, laakiin qabiil walba oo Soomaali ah waa muslimiin qabiil walba waxa uu yaqaanaa wiilashiisa iyo gabdhihiisa maxaa yeelay iyga ayaa soo koroyey soo wax baray la soo koray waxaan qabiil walba u daayneenaa qofka Soomaalinimadiisa iyo cadeynta shaqsiyaddiisa diintiisa iyo qof ahaantiisa, waxaana haboon in qabiilkasta uu soo xulo qof ergo ah oo u qalma inuu hogaamiyo dalka oo dhan.
Hay’adaha dastuuriga ah:- Golaha ergooyinka oo ka kaooban 4-kun ergo ah ergo waliba ay soo dooratay bulsha weynta oo loo qeybshay 4-kun oo qeybood qeyb walibana ay ka koobantahay bulshada qeybaheeda kala duwan sida rag iyo dumar qeybteeda qaaraanka ah, 4-ta kun oo ergo ah ayaa hogaaminaya dadka oo dhan muddo afar sano ah haddii ay tahay ciidan dhaqan diin iyaga ayaa qaadanaya mas’uuliyadda dalka iyo dibadda oo dhan {Shiiq, Janaraal iyo Jaamici uu tolkooday aamini waayeen sideebaan qaran dhan loogu aamini karaa}, waxaana xilkaas ay ku weyn karaan in la gaaro mudadooda iyo inuu galo xad xaduudii Ilaah ka mid ah iyo inuu noqdo Madaxweyne xilkii sii dhameystay, waxaa waajib ah10-ergo ah inay si xor ah u midoobaan, ayn iska dhexdoortaan qof uga qeyb gala Golaha Xildhibaanada oo ka kooban 400-xildhibaan, 4-boqol oo Xildhibaan waxaa loo qeybinayaa 40-qeybood oo qeyb walba ay u madax banaantahay siyaasadeeda dhaqaalaheeda iyo zakooyinkooda iyo taburucaadkeeda si looga hortago in bulshada isku mar dunto sidii nagu dhacday fidna waduhune uu ugu ekaado tolkiisa inta kalane ay fursad ugu hesho badbaadinta qeybtaas, 10-kii xildhibaan waxay iska dhex dooranayaan 1-xubin oo uga qeybgasha Golaha hogaaminta dalka, 2-xubin oo u hogaamisa shirkad weyn oo dastuuri ah oo ay leeyihiin Ummadda ay ka wakiilka yihiin 10-kan Xildhibaan, 3-xubin uga qeybgasha golaha zakooyinka iyo taburacaada, waxaana hogaaminaya Madaxweynihii ugu xilka dambeeyay, Xildhibaanadaas soo haray waxay buuxinayaan hay’adaha dowladda jagooyinka ka banana iyaga iyo ergooyinka kale.
Shirkadaha dastuuriga:- Shirkadaha dastuuriga ah waa 40-shirkadood oo shirkad kastaa ay ku mideesanyihiin bulsha weynta oo loo qeybshay 40-meelood, meel ahaan qeybteeda qaaraan galka ah, qof walbana waxa uu bixinaayaa $1-doolar bishii si looga hortago hantida inay ku wareegeysato maalqabeenada dhexdooda si ay uga qeybqaataan maalgelinta dalka si ay u helaan faa idada dalka 1% shir kasta.
Shikadaha dastuuriga iyo sida ay ku dhaqmayaan:- Qofka qaaraangalka ah xaq uma yeelan karo inuu diido ka mid noqoshaha shirkadaha, qofina kuma yeelan karto laba saami iyo ka badan shikadaha, qof geeriyooday kama sii mid ahaankaro shirkadahan, qof aan qaangaar aheyn kama mid noqonkaro, qof ka diiwaangashan hay’adda zakooyinka iyo taburucaadka kama midnoqonkaro, waa inay bixiyaan shirkadaha maalgelinta qeyraadka dalka boqolkii hal si ay u helaan faa’idada dalka haddii ay u gaari weyso hantidooda waxaa damiinan ama ka bixinayo dowladda.
Magaalooyinka dastuuriga ah:- Magaalooyinka dastuuriga ah baahidooda waxaa sababay bacdamaa ay diintu Islaamku ay ogoleyn xabsi, qaar bulshada ka mid ah laga masaafurinayo magaalo ilaa magaale kale dembi ay geysteen awgeed waxaa lama huraana ah in loo habeeyo magaalo leh tasiilaadkii magaalonimo oo laga helayo shaqo, magaalo ay degaan ragga iyo dumarka aan dooneyn inay guursadaan sababo caafimaad awgeed, magaalo ay degaan dadka bodhwenayaasha ah oo la dejinayo iyaga iyo qoosaskooda, magaalo la dejinayo wiilasha qaangaaray oo waari diinta ay ku filnaan waayeen si leyskaga kaashado dowladda shirkadaha iyo waaridiinta marka u horeysa waa loo guurin maandooriyahana waa laga celin, wax barasha diisane waa loo wadayaa.
Xiir hoosadka Golaha hogaaminta:- Golaha hogaaminta dalka oo tiradoodu ay tahay 40-xubnood oo xubin walba ay soo doorteen 10-Xildhibaan, iyaga ayaa qabanaya jagooyinka ugu sareeya dalka haddii aytahay ciidan ama rayid, waxayna iska dhex-dooranayaan odayga reerka Maxadaxweyne iyo ku Madaxweyne ku xigeen ah, afartanka qof oo golaha hogaaminta ah waxay iska dhex xulayaan xubinta ugu da’da weyn oo noqoneysa odayga reerka haddii uu ka cudur daarto golaha hortiisa waa xubinta da’ahaan ku xigta.
Shaqada odayga reerka:- diyaar gareynta fadhiga lagu dooranayo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ku dhawaqista madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, diyaar gareynta iskugu yeeridda kal fadiga labaad ee Golaha hogaaminta, ururinta iyo ka warqabidda inta ka cudur daaratay la shaqeynta Madaxweynaha, aqoonsiga iyo meeleynta muwaadiniinta cusub, isku dheelitirka qeybaha bulshada, diyaar gareynta mushaarka madaxwenaha iyo gudoonsiintiisa, aqoonsiga ergooyinka iyo xallinta khilaafaadka qabiilada haddii ay is qabtaan cidda noqoneysa ergada, waxaana uu ku xallin tiro middheer, aqoonsiga xildhibaanada iyo shir gudoonka ergooyinka dooranayo xildhibaanka, aqoonsiga xubinta ka mid noqoneysa golaha hogaaminta iyo shir gudoonka xildhibaanada, waxa uu xaq u leeyahay odayga reerka inuu ka codeeyo haddii ay sinmaan Guddiga uu shir gudoominayo, mudada xilkiisa waa kal fadhiga lagu doortay illaa kalfadhiga xiga ee golaha hogaaminta dalka dib dambana xilka uguma soo noqon karo.
Doorashada Madaxweynaha:- Odayga reerka waxaa uu liis ku soo qorayaa 39-ka magac ee golaha hogaaminta dalka, waxaana uu ka codsanayaa inuu xubin wallba uu calaa-madeeyo qofka uu isleeyahay afarta sano ee soo socota waxa uu ku fiicanyahay inuu hogaamiyo dalka, waxa uu u calaamadeeynayaan si qarsoodi ah, calaamadeynta ka did waxa uu u yeeranayaa sedwx qof oo golaha ka mid ah waxayna si cod dheer u magacaabayaan magaca warqadda ku calaamadeysan, waxaana madaxweyne ku soo baxaya qofka ugu codadka badan, qofka xigana waxa uu noqon ku xigeenka Madaxweynaha, haddii ay codadku sinaadaan waxaa si cadaan ah u codeeynaya odayga reerka qofkuu codka siiyo ayaa ah Madaxweynaha qofka kalena waxa uu noqonayaa ku xigeenkiisa.
Madaxweynaha waa xubinta ugu sareysa dalka:- Madaxweynaha waa xubinta ugu sareysa dalka oo dhan, isigaa ah Guddoomiyaha golayaasha, isagaa ah taliyaha ciidamada, isagaa ah gudoonka maxkamadaha sare, isagaa ku hadli kara afka ummadda Soomaaliyeed iyo diintooda waxaa kale uu mas’uuul ka yahay shikadaha dastuuriga ah xallinta khilaafaadkooda iyo isku dheelitirka shikadaha.
Mudada xilka Madaxweynaha iyo haddii ay soo wajahdo xilgudasho xumo ama la’aan:- Mudada xilka madaxweynaha waa afar sano oo laga bilaabo maalinta xilka loo dhiibay, waxaana uu xaq u leeyahay inuu mar labaad uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha haddii uu guuleysto waxaa uu hogaamin dalka afar sano oo dambe, loomana kordhin-karo, maxaa yeelay haddii uu fiicanyahay wxaa ka dambeeya qof xun, golaha hogaaminta xubin kasta waxay xaq u leedahay inay ka cudur daarato la shaqeynta Madaxweynaha, uuna u gubiyo cudurdaarkiisa odayga reerka, odayga reerka waxaa xaq loogu leeyahay haddii ay qaaraar xubnaha ka soo gudbiyaan cudur daarkooda madaxweynaha ay gaarayaan 25-xubnood inuu iskugu yeero kalfadhi aan caadi aheyn si loo doorto xubnihii hogaamin lahaa golaha sida odayga reerka iyo madaxweyneiyo ku xigeenkiisa.
Madaxweynaha wax dembi ah laguma soo oogi karo haddii uu xilka hayo iyo haddii uusan heynba:- Madaxweynaha waa astaanta qaran ceebtiiso waa u ceeb dalka oo dhan dembi kasto uu galo laguma soo oogi karo, waxaana xaaraan ah wax ka sheegistiisa iyo ceebeyntiisa wixii dembi ah oo uu galo waxaa loo deynayaa Ilaaha u dhiibay awoodda, waxaana uu yeelan doonaa sharafta iyo heybdda ay leeyihiin madaxweynayaasha xilalka soo qabtay.
Mushaarka Madaxweynaha:- Mushaarka Madaxweynaha waxaa bixinaya dadka uu u shqeenayo oo dhan, tusaale haddii ay Soomaaliya ay noqoto 5-milyan qof oo qaangaar ah waxa uu qaadan 5-milyan oo doolar afartii sano, qof walba waxa uu bixin qiimo u dhigma hal doolar afarta sano ee u horeysa, shaqada madaxweynaha haddii dib dambe madaxwenaha loo doorto waxaa la leeyahay intookale, shaqadu haddii ay u dhmaato waxa uu xaq u yeelanayaa 5-milyan oo doolar.
Xaquuqda aadanaha:- Aadanaha la sheegaa waa nin iyo naag iyo wax iyaga ka beermay oo ah caruur waayeel iyo ducafo, caruurtu waxay xaq ku leeyihiin labada waalid haddii ay waayaan waxay xaqa bushada inteeda kale iyo dowladda waxaa labada waayeelka ah waxaa uu daryeel ku leeyahay caruurtiisa ducafaduna waxay xaq ku leedahay bulsho-weynta iyo dowladda, ragga iyo dumarka oo ah saldhigga bani’aadamka mid walba midka kale ayuu ka ahaaday, midwalba midka kale ayuu xaq ku leeyahay, waxaa dhamaantood meel ka dhac ku ah in xabsi la geliyo muddo ka badan todobaad, waa inuu maxkamad helaa todobaad ka hor si uu wajaho dembigiisa ama loo daayaa, waa in nin iyo naag aysan ku kaaftoomin zino, maxaa yeelay waxay meelku dhac ku tahay xaquuda caruurta si ay uga badbaadaan in loogu dilo caloosha ama yaraanta ama loo dilin sharaftiisa iyo sumcaddiisa qof ahaaneed.
Ka hortagista faldembiyeedyada iyo isnaceybka bushada:- Maandooriyaha waa kan ugu horeeya ee sababa inuu ku bato faldembiyeeyada bushada dhexdeeda ka dhaca, qamaarka iyo ribadu waxaa si sahlan loogu qaataa hanti qofeed, waxaana ka abuurma isna ceeb iyo is adoonsi bulshada dhexdeeda ah, hantida qofeed ama qaran midna xatooyo iyo xoog laguma qaadankaro, dadka ina la degan oo Soomaalida aan aheyn waxaa waajib ku ah inay u hogaansamaan shruucda dalka, dowladda waa inay ilaaisaa xuquuqda xuduudaha caalamiga ah iyo sharciyadda caalamiga ah sida qaxootiga iyo magangelyada siyaasadeed, qof kasta oo degan dhulkeena waxa uu wajahayaa sharciga u dhigan dalka.
Xukunka iyo lahaansha dhulka:- Xukunka iyo lahaansihiyaha dhulka dhamaantiis waxaa iska leh Ilaah, qoladii uu doona ayuu dhaxalsiin Ilaah, dhulkan waxa uu dhaxalsiiyey ummadda Soomaaliyeed Ilaah waxa uu ka rabaa inay ku dhex oogaan salaada iyo cibaadada kale ee looga baahanyahay, dhulka dhamaantiis waxaa leh dowladda Soomaaliyeed, waxaane ka duwan meel ay maalin un dowladdii hore ay ku magaccawday danguud oo uu gaaray silig ama bulokeeti dowladdu leedahay, dhulka kale waxaa milkinkara qofka oo nooleeyay, waxaa uu ku degayaa kiro oo loo xisaabayaa mitirmitir dhulka kan banaan ayaa kiro qaalisan, dowladana waxaa xaq loogu leeyahay gabar-kasta oo Soomaali ah dhul ay degto oo leh biyo nadiif ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku dhaqaaleysato u badkeeda iyo ninkeeda.
Waxaa Qoray:- Maxamed Amiin Absuge kala xiriir Taleefan lambar:- 0615863278
