Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo ka hadlay shirka saxiixayaasha Road Map-ka ay ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ayaa ka hadlay xilliga uu furmayo shirka saxiixayaasha Road Map-ka ee ka dacaya dalkaas, wuxuuna danjiruhu uu sheegay in shirka uu furmi doono berri oo isniin ah, uuna socon doono labo maalin, laakiin laga yaabo ayuu yiri in dhowr maalin uu ka darsamo.
Saciid Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dhamaan dhinacyadii saxiixay Road Map-ka ay ka soo qeyb gali doonaan shirka Addis Ababa, wuxuuna intaasi ku daray in hadda dalka Itoobiya uu ku suganyahay Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole inta kalena ay dhawaan gaari doonaan magaalada Addis Ababa.
Danjiraha waxa uu sheegay in shirka looga hadli doono arrimaha dastuurka, isla markaasna ay codsadeen in shirka lagu qabto magaalada Addis Ababa qaarr ka mid ah saxiixayaasha Road Map-ka, laakiin wuxuu sheegay in in Itoobiya aysan casuumin dhinacyada Soomaalida, balse doorkeedu uu yahay oo keliya inay u diyaariso goob ay ku wadahadlaan oo keliya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
Danjiraha oo la weydiiyey su’aal aheyd cidda shirka qabanaysa marka laga soo tago ka qeybgalayaasha ayaa waxa uu sheegay in shirka Addis-Ababa ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay gaar ahaan xafiiska siyaasada ee Soomaaliya UNPOS oo madax u yahay Danjire Mahiga, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Itoobiya ka mid tahay oo keliya kor joogayaasha shirka, laakiin aysan door kale ku yeelan doonin, isagoo sheegay in ergada ka qeybgalaysa ugu dambeyn maanta oo axad ah laga doonayo inay tagaan magaalada Addis Ababa, si shirka uu furmo Isniintii subaxeeda.
Shirka waxaa looga doodayaa in dhinacyada hadda saluugsan dastuurka qabyo qoraalka oo Puntland ay ugu weyntahay ugu yaraan la qanciyo, laakiin waxay caqabad ku noqon karaan qorshaha hadda socda oo dowladda waqtigeeda oo yar iyo shaqada utaalo oo aad u badan, sidoo kale arrimahan waxay hakad geliyeen shirkii odayaasha dhaqanka ee ka socday Muqdisho, ka dib markii la sheegay in qeyb ka mid ah ergada Puntland ay dib ugu laabteen magaalada Garoowe.
Dhinaca kale warar kale oo aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole uu doonayo in la tirtiro qodobo badan oo hadda ku qoran dastuuka, kuwaa soo qaar ka mid ah uu sheegay inaan lagu xusin dastuurka, halka kuwo kalena uu ku sheegay inay ka horimaanayaann dastuuka Puntland, halka kuwo kalena uu sheegay in loo baahanyahaya in wax ka bedel lagu sameeyo, lamana oga sida ay u arkaan kooxaha kale qodobadan uu soo jeediyey Madaxweynaha Puntland.
