|

Dowladda KMG oo sheegtay in sameynta dastuurka cusub ay ku lugleeyihiin dad ajnabi ah

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in qabyo qoraalka dastuuka cusub ee lagu wado inay Soomaaliya yelato ay ku lugleeyihiin dad ajnabi ah, isla markaasna ay dadkaasi wax ka qoreen dastuurka haatan lagu murunsanyahay, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay in qaarkood ay u shaqeeyaan Qaramada Midoobay.

Wasiirka dastuurka xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qabyo qoraaleedka dastuurka ee ay dowladda KMG ku howlantahay ansixintiisa ay sameyntiisa ku lugleeyihiin dad ajaanib ah oo qaarkood ka tirsan Qaramada Midoobay sida uu hadalka u dhigay.

Wasii Xoosh ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dadkaasi ay yihiin dad quburo ah oo ay xukuumadda KMG Soomaaliya u yeeratay, wuxuuna tilmaamay in dowladdo badan oo caalamka ka tirsan ay ku gacnsiiyeen dadkaasi ajnabihga ah ee dastuuka wax ka qoray sameeynta dastuurkooda, isagoo xusay in dastuurkii la sameeyay sanadkii 1960-kii sameyntiisa ay dowladdii Soomaaliya ka gacan siiyeen sida uu hadlaka u dhigay dad Talyaani ah, haddana aan laga maarmin dad ajaanib ah oo sameeynta dastuurka ku gacan siiya dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka dastuurka xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa soo hadalqaaday xuquuqda uu haweenka siinayo dastuurkan cusub, kaas oo u ogolaanaya inay qabtaan jago sare, waxana uu sidoo kale sheegay inaanu jirin hadalka ah in caalamku ay ku dowladda KMG in haweenka door muhiim ah ay ku yeeshaan siyaasadda dalka, isla markaasna ay qaban karaan xilalka ugu sareeya dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Faderalka xukuumada KMG Soomaaliya ayaa ugu dambeyn waxa uu beeniyay in dastuurka ay ku jiraan qodobo ka horimaanaya shareecadda Islaamka, waxaana uu tilmamay in hadaladaasi ay jeedinayaan dad dano gaar ah leh sida uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply